Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Ayaa Ka Qayb-galay munaasibada Xidhitaanka Sannad Dugsiyeedka 2017–2018-ka Ee Dugsiga Sare Ee Aadan Bile Ee Degmada Xariirad

0
226

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ka qayb-galay munaasibada yeedhinta imtixaanaadka sannad dugsiyeedka 2017- 2018-ka ee dugsiga sare ee Aadan Bile ee degmada xariirad oo ka tirsan gobolka Awdal. Sidoo kale xafladan waxa iyaguna goob joog ahaa maamulka iyo macalimiinta dugsigaasi, aqoon-yahanka, cuqaasha, madaxda nabadgalyada degmada, ardayda, waalidiinta iyo dad-weyne kale oo aad u tiro badan.

Munaasibadaasi oo ay ka hadleen masuuliyiin badan iyo maamulka iyo macalimiinta dugsigaasi, waxa ugu horeyn warbixin guud ka soo jeediyey maamulaha dugsigaasi, waxaanu sheegay in ay ku bilaabeen aas’aaskii dugsiga 12 arday, halka uu maanta marayo ku dhawaad sagaashan arday, korodhkaasina uu ku yimi dedaal iyo horumar ay sameeyeen qurbe-jooga u dhashay degmada xariirad iyo ururrka waddaniga ah ee ramad oo muujiyey wax qabad balaadhan oo dhanka dhismaha iyo mushahar siinta macalimiintaba ah.

Sidoo kale qaar ka mid ah macalimiinta iyo wax garadka deegaankaasi ayaa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanay ku dheeraadeen sida ay muhiimka u tahay in dhan looga soo wada jeesto wax ka qabashada dhanka waxbarashada iyo gaar ahaan sii anbaqaadida dugsigan oo ay heer soo gaadhsiiyeen qurbe jooga deeganadani.

Dhanka kale agaasimaha waaxda waxbarashada dadban mudane Xuseen Daahir Rooble ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu tilmaamay in qurbe jooga reer xariirad mudan yihiin dhiirigalin iyo amaan, sababta oo ah waxay dhiseen dugsi aan illaahay mooyee cid kale ka caawin. Waxaanu sheegay in kaalinta wasaarada ee gaabiska ahna ay sida ugu dhakhsaha badan u soo buuxin doonaan.

Duqa magaalada xariirad mudane Faysal Xaashi Rayaale ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu sheegay in aanay ka maamul ahaan waxba ka hagran doonin sii horumarinta iyo kobcinta waxbarashada deegaanka xariirad iyo gaar ahaan dugsigan ba. Dhanka kale waxa uu wasaarada waxbarashada iyo weftiga uu hogaaminayo agaasimaha guud ba ka codsaday in dugsigan loo sameeyo rug wax akhris iyo rugta baadhista (Laboratory) si ay ardaydu faham buuxa uga helaan duruusta loo dhigayo.

Ugu danbayn agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska Prof Maxamed Faarax Xareed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey munaasibadaasi ayaa waxa uu dardaaran dhaxal gal ah u soo jeediyey dadweynaha degmada xariirad si ay uga qayb-qaataan horumarka iyo dedaalka loogu jiro waxbarashada degmadaasi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu ku bilaabay; illaahay bay mahadi u sugnaatay igu simay dugsigii aan hindisihiisa iyo bilawgiisa wax ku lahaa in aan maanta midhihiisii arko, intaa ka bacdi runtii dedaal badan ayaa dugsigan la geliyey kaasi oo ka yimi inamada iyo hablaha u dhashey degmadan xariirad kuwaasi oo aan badankoodu weligood arag degmadan laakiin ay dareenkooda hagayso damqasho iyo walaaltinimo ay u hayaan caruurtaa u baahan in ay helaan waxbarasho.

Aniga oo ku hadlaya af-ka qurba jooga deegaanadan waan idinka aqbalay ducadaa iyo amaantaa badan ee aad halkan nooga soo jeediseen, waxaanan idin leeyahay waa waajib na saarnaa ee maanaan samayn wax dheeraad ah. Dad weynaha reer xariirad waxan u soo jeedinayaa igayagana in ay ka qayb-qaataan sii horumarinta iyo kor u qaadka danaha waxbarasho iyo adeegyada kale ee ay degmadu u baahan tahay. Maanta waxan ahay agaasimihii guud ee wasaarada waxbarashada Somaliland, waxa I sugaya dugsiyada Somaliland oo dhan baahidooda sidaa darteed reer xariirad yaanay is odhan xariirad oo kaliya ayaa sugaysa, sidaa awgeed waxan leeyahay dhankiina reer xariiradow hawsha qabsada qurbe joogii waajibkoodii way guteene idinka ayay idinku hadhay hawshu.

Wasarad ahaan waxba hagranmayno, marka la kala qorshaynayo waxa yar ee soo dhex dhaca dhanka waxbarashada qaran ahaan, wixii idinkaga soo aada waad helaysaan, waxan se idiin sheegayaa in aan waxbarashadu soconayn gacanta dadweynaha oo ka maqan sidaa darteed dhankiina dedaal muujiya.

Ugu danbayntii agaasimuhu waxu hadiyado gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaankii sannad dugsiyeedkii 2017-2018-ka ee dugsiga sare ee aadan bile ee degmada xariirad.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

By: Mowlid Omar Kibaar….

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here