Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Ayaa Daah-Furay Mashruuc Cusub Oo Ay Fulinayso Hay’adda Mercy Corps

0
209

(MOE&S Media Office, 15-08-2018) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Maxamed Faarax Xareed ayaa daah-furay mashruuc Cusub oo ay fulinayso hay’adda Mercy Corps kaasi oo ay maalgelinayso dawladda Qadar. Mashruucan oo magaciisu yahay; “Wax bar caruurrta soomaalida”, ayaa waxa uu ka shaqayn doonaa dugsiyada ay u astayso wasaarada waxbarashadu ee ay ka jiraan baahiyo waxbarasho oo u baahan in kor loo soo qaado. Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimey oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta wasaarada waxbarashadda iyo sayniska ayaa lagaga dhawaaqay mashruucan, waxaana uu socon doonaa mudo seddex sannadood ah. Shirkan waxa  ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud ee waxbarashadda, saraakiil ka socotay hay’adda Mercy Corps iyo agaasime waaxeedyada wasaarada waxbarashadda.

Ugu horeyn waxa mashruucan daah-furkiisa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashadda Prof Maxamed Faarax Xareed, waxaanu uga mahadnaqay hay’adda Mercy Corp iyo waddanka Qadar ee mashruucan ugu deeqay. Sidoo kale waxa uu agaasimuhu ugu baaqay bahda waxbarashadda iyo agaasime waaxeedyada wasaarada in ay la shaqeeyaan masuuliyiinta mashruucan wada, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi; mashruucani waxa uu ka shaqayn doonaa 29 dugsi iyo 6 madarasadood oo Somaliland ah, kuwaasi oo uu ku samayn doono dayactir fasalada ah iyo dhismayaal cusub, sidoo kale waxa uu mashruucani lagu tababari doonaa macalimiinta ka shaqeeya dugsiyadaasi.

Mashruucan sidoo kale waxa ku jira kharash wacyigalineed oo ku wajahan dhanka waalidiinta si ay ula shaqeeyaan dugsiyada, isla markaana isku xidh loogu samayn lahaa goobaha waxbarashadda iyo waalidiinta, si loo helo waxbarasho tayo leh oo ay helaan ardayda aan helin fursadaha waxbarashadda, sidoo kale waxa mashruucani ku jirta deeq la siinayo gudida waalidiinta si ay dib ugu soo dabaalaan ardaydii dib uga dhacday fursada waxbarashadda.

Waxaa isaguna dhankiisa mashruucan faah’faahin ka bixiyey Mudane Mukhtaar Cali Axmed ah saraakiisha hay’adda Mercy Corp, waxaanu sharaxaad mug leh ka bixiyey ujeedada mashruuca iyo meelaha uu awooda saari doono iyaga oo raacaya tilmaamaha iyo goobaha ay wasaarada Waxbarashaddu awooda saaraysa. Isaga oo arrimahaa iyo kuwa kale-ba ka waramaya waxa hadaladiisii ka mid ahaa; mashruucan waxa la yidhaa wax bar carruurta soomaalida, waxaanu ka shaqeeyaa waddanka Qadar, waxaanu ka shaqeeyaa deegaano badan, waxaanan maanta halkan ku daah-furaynaa qaybta aan ugu talagalay in aan ka fulino waddanka Somaliland. Mashruucan waxa ku bixi doonta aduun gaadhaya 13 milyan oo dollarka maraykanka ah, waxaanu socon doonaa mudo seddex sannadood ah.

Mashruucani waxa uu leeyahay seddex ujeedo oo waaweyn kuwaasi oo kala ah; 1. Carruurta aan fursad waxbarasho ah aan helin in looga faa’iideeyo kuwaasi oo lagu qiyaasey 17-kun oo arday, 2. Waxa kale oo mashruucani diirada saari doonaa tababarka macalimiinta, (3). Waxa kale oo mashruucani ka shaqayn doonaa madarasada diiniga ah, maadaama oo ay yihiin madaarisku meelaha aas’aaska u ah waxbarashadda, waxana lagu xidhi doonaa malcaamadahaasi dugsiyada dawliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here