Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashadda Ayaa Xadhiga Ka Jaray Magtabad Cusub Oo Loo Dhisey Dugsiga Farsamdda Gacanta Hargaysa

0
714

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdi Cali Jaamac ayaa xadhiga ka jaray magtabad wax lagu akhrisan doono taasi oo laga hirgaliyey dugsiga farsamdda gacanta Hargaysa (HTI), taasi oo ay dhismaheeda iyo kutubta la dhigayba ay maalgalisey Hay’adda Save Children. Munaasibadan xadhig ka jarista ah oo lagu qabtay rugta cusub ee akhriska dugsiga farsamadda gacanta ayaa waxa ka soo qayb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda, Agaasimaha waxaada Farsamadda Gacanta Wasaaradda Waxbarashadda,  Agaasinka tayadda ee farsamadda gacanta, Madaxa mashaariicda Hay’adda SC iyo maamulka dugsigaasi waxaanay halkaa ka soo jeediyeen khudbado ku wajahan munaasibadan iyo sida loogu baahnaa in laga hirgaliyo magtabadan.

Ugu horeyn waxa xafladaasi hadalo ka soo jeediyey Maamule Kuxigeenka dugsiga farsamadda gacanta hargaysa mudane Cabdilaahi Axmed Maxamed (Cawil) waxaanu halkaa ka soo jeediyey hadalo iskugu jirey mahadnaq iyo faa’iidooyinka ay magtabadani ku soo kordhin doonto dugsiga iyo guud ahaan dalkaba waxaanu yidhi; ugu horeyn mahad balaadhan u soo jeedinayaa hay’adda SC oo dhismaha magtabadan iyo kutubta la dhigay badankoodaba maal-galisey. Dhinaca kale haddii aan ka waramo faa’iidada iyo wanaaga ay ku soo kordhin doonto magtabadani dugsiga waxa weeyi mid aan la qiyaasi Karin, sababta oo ah markii hore may jirin meel ay tixraac ka sii sameeyaan ardaydu marka macalinku casharadda u dhigo, hadda ardaydu marka ay firaaqadda leeyihiin waxay fadhiisan karaan magtabadan oo ay yaalaan buugaag daabacan oo xambaarsan aqoontii ay baranayeen sidaa darteed waxay ku soo kordhinaysaa in aqoontoodii ay kobocdo. Halkan waxan ka xusayaa dadkii iyaguna gacanta ka gaystay magtabadan kuwaasi oo ugu deeqay qayb ka mid ah kutubtan taala magtabadda, nin muwaadin ah oo qurbaha ka yimi ayaa noo keenay kutubtan badhkood waxaanu ugu tabarucay dugsiga farsamadda gacanta hargaysa si ay ardaydu aqoontooda ugu kabana.

Madaxa mashaariicda hay’adda SC Mudane Cabdilaahi Maxamuud Xirsi ayaa isaguna munaasibadaasi ka soo jeediyey hadal kooban oo uu kaga waramay dhismaha iyo hirgalinta magtabadan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; maalgalinta dhismaha magtabadani waxa ay ku timi iskaashi dhex maray hay’adda SC iyo wasaaradda waxbarashadda kaasi oo aan isla garnay in dugsiga farsamadda gacanta Hargaysa u baahan yahay rug ay ardaydu wax ku akhristaan. Mashruuca aan ka maalgaliney dhismaha rugtani waxa weeyi Mashruuca Horumarinta Cilmiga II kaasi oo ay Somaliland ku caawiyeen Midawga yurub isla markaana ay soo mariyeen seddexda hay’adood ee kala ah Save Children, NRC iyo ADRA waxaana u madax ah Hay’adda SC. Waxa noo farxad ah in aan mashaariicdan qiimaha leh kala shaqayno wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare sare ee Somaliland. Magtabadan waxa sidoo kale ka faa’iidaysan-doona macalimiinta wax ka dhigta dugsiga oo ay u noqon-doonto meel ay ka sameeyaan tixraac duruusta ay ardayda u dhigayaan.

Waxa isaguna munaasibadaasi hadal ka soo jeediyey Agaasimaha waaxda Farsamadda gacanta ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Axmed Caynaan waxaanu yidhi; waxa maanta ii farxad ah in aan ka soo qayb-galo xafladan xadhiga lagaga jarayo rugtii ugu horeysay ee uu yeesho dugsiga farsamadda gacanta hargaysa taasi oo ay hirgalintiisa leeyihiin hay’adda SC. Waxan kula dardaarmayaa maamulka dugsiga farsamadda gacanta hargaysa in ay ilaaliyaan rugtan iyo agabka hoos yaala oo runtii ah mid muhiim ah oo wax badan tari-doona bahda farsamada gacanta. Mustaqbalka waxa wasaarad ahaan noo qorshaysan in waaxdan la gaadhsiiyo ilaa heer jaamacadeed taasi oo soo saari-doonta arday dalka iyo dadkaba wax badan tari-doona.

Ugu danbayn munaasibadaasi waxa soo gunaanaday agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane cabdi cali jaamac waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; maanta xadhig ka jaristan rugta akhriska ee dugsiga farsamadda gacanta hargaysa waa guul u soo hoyatay guud ahaan qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo dhan waayo waa magtabadii ugu horeysay ee loo dhiso dugsi farsamadda lagu barto, waxaanay ku soo kordhin doontaa insha allah wax muuqda oo lagu diirsan-doono. Sooyaalka taariikheed ee qoraalka iyo akhriska kutubtu waa mid soo jireen ah kaasi oo aan si sahal ah kaga suuleyn aduunyadda korkeeda. Markii ay tignoolojigan casriga ahi dunida ku soo kordhay waxa la filayey in ay meesha ka saari-doonto akhriska qoraaka kutubta ku qoran laakiin taasi may dhicin oo ilaa hadda qoraalka kutubta ku qorani waa mid jira, weligiina wuu jiri-doonaa, sidaa darteed ummadeena oo ah bulshooyinka lagu tiriyo shacab wax iskugu gudbiya habka hadalka iyo suugaanta waxan u soo jeedin lahaa in loo soo jeesto nidaamka qoraalka iyo akhriska. Aqoonta binu-aadmigu waxay kortaa hadba inta uu akhristo, bulshooyinkuna waxay ku kala duwan yihiin xaga horumarka hadba inta akhriskoodu yahay sidaa awgeed waxan ardayda iyo dhammaan bulshaddaba u soo jeedinayaa in ay caadaystaan akhriska iyo qoraalka kaasi oo ah mid fac weyn oo jiri kara mudo dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here