Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashadda Oo Agab Waxbrasho Gudoonsiiyey Gudoonka Waxbrashadda Gobolka M/Jeex

0
318

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa agab waxbarasho gudoonsiiyey gudoomiyayaasha waxbarashadda gobolka maroodi jeex, agabkaasi oo ahaa diwaanadda fasaladda iyo macalimiinta dugsiyadda, kaasi oo kharashka daabacaadiisa ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashadda iyo hay’addaha wada shaqaynta la leh wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare, waxaana ku baxay buugaagtan sida la sheegay kharash aad u badan.

Haddaba waa maxay ujeedada ay wasaaradda waxbarashaddu waxaas oo hawl iyo kharash ah u galaysaa?… jawaabta su’aashaasi iyo kuwa kale oo badan waxa si cad uga jawaabaya ahdaafta iyo yoolka ay wasaaraddu mudooyinkan danbe ku xariiqday tubta ay ku socon doonto waxbarashadda Somaliland si loo tayeeyo aqoonta taala goobaha waxbarashadda dalkeena.

Wasaaradda waxbarashadda oo qaadaysa talaabooyin talantaali ah oo ay wax kaga qabanayso dhanka tayeynta waxbarashadda dugsiyadda iyo jaamacaddaha dalku waxay garwaaqsatay in la helo nidaam lagula xisaabtami karo ardayga iyo macallinkaba si loo helo arday heerkooda aqooneed iyo akhlaaqeedba suuban yahay, sidaa darteed waxay madaxda wasaaraddu ku dedaaleen in ay soo daabacaan diwaanadda fasaladda, kuwaasi oo wax badan ka tari doona haddii loo isticmaalo tubtii loogu talagalay, waxaanay sahli doonaan diwaanadani in la helo xogta ardayga iyo macalinka oo buuxda si loo ogaado sida ay tahay hab nololeedka waxbarasho ee ardayga iyo dugsigu.

Haddaba arrimahaasi iyo kuwa kale-ba waxa lagaga hadlay shir jaraa’id oo uu agaasimaha waxbarashaddu ku qabtay xafiiskiisa kaasi oo uu ku gudoonsiiyey buugaagta diwaanka fasaladda iyo macallinka, waxaana gudoomiyayaashii ka soo qayb-galay ka mid ahaa; labada gudoomiye ee gobolka maroodi jeex leeyahay kuwaasi oo kala xukuma bariga iyo galbeedka G/Maroodi/Jeex.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi khudbad dardaaran iyo hogo-tusaalayn iskugu jirta ka soo jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Axmed Abokor Maxamed, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; gudoomiyayaal maanta waxan halkan iskugu kiin yeedhay in aan idin gudoonsiiyo buugaagta diwaanka fasaladda iyo macallinka kuwaasi oo aad kula xisaabtami doontaan maamulayaasha dugsiyadda goblka maroodi jeex. Diwaankani waxa uu xambaarsan yahay xog muhiim ah oo ardayga dugsiga dhiganaya iyo macallinka ah kaasi oo sheegaya inta arday ee fasalka fadhida, inta habsaanta iyo macalinka xiisaddaa u dhigay. Macallin walba waa ku waajib in uu u raaco diwaankan sida sharciga ah ee ku xusan hab qoraalka diwaanka.

Ujeedadda aan uga gol-leenahay diwaankani waxa weeye sidii aan u tayeyn lahayn waxbarashadda dugsiyadda dalka isla markaana aan ugu soo ridi lahayn nidaamka waxbarasho tubta toosan, taasi oo qaranka ku hagi karta horumar balaadhan oo dhan walba ah, sababta oo ah waxbarashaddu waa furaha horumarka. Sidaa darteed waxan idinku adkaynayaa in aad diwaanaddan qaadaan oo aad u qaybisaan dugsiyadda aad maamushaan ka dibna aad kula xisaabtantaan maamulayaashu sidii ay u fulin lahaayeen siyaasadda iyo amaradda ka soo baxa jaran-jaradda maamul ee ay leedahay wasaaraddu.

Ugu danbayntii waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay labada gudoomiye waxbarasho ee G/M/J, kuwaasi oo kala ah Mudane Xuseen Ibraahim Xasan iyo Mudane Cilmi, waxaanay ka gudoomeen agaasimaha agabkaasi, waxaanay balan qaadeen in ay amarkaasi sidiisa u fullin doonaan isla markaana ay ku daba-gali doonaan maamulayaasha dugsiyadda iyo macallimiintaba sidii ay u hirgalin lahaayeen. Sidoo kale waxay gudoomiyayaashu tibaaxeen in ay faa’iido balaadhani ka soo bixi doonto haddii la raaco nidaamka uu diwaankani u qoran yahay isla markaana ay wax badan ka bedeli doonto heerka aqooneed ee ardayda dugsiyadda ay maamulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here