BANDHIGA CARWADA JAAMACADAHA SOMALILAND OO MARKII UGU HOREYSAY LAGU QABTAY  MAGAALO MADAXDA GOBOLKA TODHEER EE BURCO

0
50
BURCO, CARWADA JAAMACADAHA

BANDHIGA CARWADA JAAMACADAHA SOMALILAND OO SANNAD WALBA MAR LA QABTO AYAA MARKII UGU HOREYSAY KA FURMAY  MAGAALO MADAXDA GOBOLKA TODHEER EE BURCO, KAASI OO SOCON DOONA MUDO LABA MAALMOOD AH. MUNAASIBADAN OO AY SOO AGAASINTAY WASAARADA WAXBARASHADDA IYO SAYNISKA OO KAASHANAYSA HAY’ADA SAVE CHILDREN INTRANATIONAL AYAA SANNADKAN U ASTAYSAY IN AY KU QABATO HOTEL HAAS EE MAGAALADA BURCO.

BANDHIGA CARWADA JAAMACADAHA SANNADKAN WAXA KA SOO QAYBGALAY SAGAAL JAAMACADOOD OO XARUMO KU LEH GOBOLADA BARI EE SOMALILAND. KUWAASI OO KALA AH; JAAMACADA BURCO, NAJAX, NUGAAL, ALFA, GOLIS, TOGDHEER, NEW GENERATION, ABAARSO IYO SHIFA. CARWADAN OO SANADIHII HORE LAGU QABAN JIRAY CAASIMADA HARGAYSAA AYEY WASAARADDA WAXBRASHADU GO’AAMISEY IN SANADBA GOBOL LAGU QABTO SI JAAMACADUHU UGA FAA’IIDAYSTAAAN.

XAFLADDAN OO SI HEER SARE AH LOO SOO AGAASIMAY AYAA WAXA KA SOO  KA QAYBGALAY MASUULIYIINTA KALA AH; AGAASIMAHA TACLIINTA SARE EE WASAARADDA WAXBARASHADDA IYO SAYNISKA PROF AXMED MUUSE MURUUD, GUDOOMIYAHA KOMISHANKA TACLIINTA SARE PROF XUSEEN XASAN GUULEED, SARAAKIIL KA SOCOTAY HAY’ADA SAVE CHILDREN, QAAR KA MID AH GUDOOMIYAYAASHA SAGAALKAA (9) JAAMACADOOD, ARDAY IYO DADWEYNE KALE OO AAD U TIRO BADAN. UJEEDADA CARWADAN AYAA LAGU SHEEGAY SIDII AY JAAMACADUHU U SOO BANDHIGI LAHAAYEEN KULIYADAHA AY BIXIYAAN SI ARDAYDA GELAYSAA U KALA DOORATAAN CULUUNTA  UU DANAYNAYO IN UU BARTO MUSTAQBALKA.

UGU HOREYN WAXA HALKAASI KA HADLAY MUDANE CABDIKARIIM OO KA MID AH SARKAAL KA TIRSAN HAY’ADA SAVE CHILDREN, WAXAANU FAAHFAAHIN BUUXDA KA BIXIYEY CARWADAN IYO KAALINTA AY KU LEEYIHIIN, WAXANA HADALADIISII KA MID AHAA; HAY’ADA SAVE CHILDREN INTERNATIONAL OO KA HELAYSA CAAWIMO KA HELAYSA MIDAWGA YURUB WAXAY MUDO SANNADO AH KALA SHAQAYNAYSAY WASAARADA WAXBARASHADDA IYO SAYNISKA MASHAARIIC BADAN OO UU KA MID YAHAY KAN AYNU MAANTA KU SOO BANDHIGAYNO CARWADAN KAASI OO LAGU MAGACAABO “HORUMARINTA CILMIGA II. HAWLIHII AAN LA SOO QABANAY WASAARADA WAXBRASHADDA QAYBTEEDA TACLIINTA SARE WAXA KA MID AHAA XOOJINTA IYO KOR U QAADKA XAGA TAYADA JAAMACADAHA IYO SIDII SHAQAALAHA TACLIINTA SARE LAFTOODA TABABARO AQOON KORODHSI AH LOOGU SAMAYN LAHAA.

SIDOO KALE WAXA ISAGUNA DHANKIISA HALKAASI KA HADALAY GUDOOMIYAHA KOMISHANKA TACLIINTA SARE PROF XUSEEN XASAN GUULEED WAXAANU KU DHEERAADAY MUHIIMADA MUNAASIBADANI LEEDHAY IYO SIDA LOOGA FAA’IIDAYSAN KARO, WAXANA HADALADIISII KA MID AHAA;  KOMISHANKA TACLIINTA SARE EE QARANKU WAXA UU U XIL SAARAN YAHAY TAYEYNTA IYO KOR U QAADKA JAAMACADAHA DALKA ISAGA OO U MARAYA 16 QODOB OO AH HAB RAAC CAALAMI AH KAASI OO JAAMACADAHA LAGU TAYEEYO. UJEEDADA MUNAASIBADANI WAA SIDII ARDAYDU U HELI LAHAAYEEN FURSADO AY KU KALA DOORTAAN WAXYAABAHA MID WALIBA XIISEEYO AMA UU U QALMO IN UU BARTO.

AGAASIMAHA TACLIINTA SARE PROF AXMED MUUSE MURUUD AYAA ISAGUNA FAAHFAAHIN KA BIXIYEY MUNAASIBADAN IYO UJEEDOOYINKA LAGA LEEYAHAY WAXAANU HADALKIISA KU BILAABAY; WAXA II FARXAD AH IN AAN MAANTA IDINKALA SOO QAYBGALO BANDHIGA CARWADA JAAMACADAHA DALKA KAASI OO MARKII UGU HOREYSAY AAN KU QABANAYNO XUDUNTA SOMALILAND EE MAGAALO MADAXDA GOBOLKA TOGDHEER EE BURCO. UJEEDADA MUNAASIBADA WAA LA SHEEGAY WAXANSE U SOO JEEDINAYAA ARDAYDA IN AY YIMAADAAN OO AY KALA XUSHAAN KULIYADA AMA CULUUNTA AY RABAAN IN AY BARTAAN SI LOO HELO ARDAY DHAMMAYSTIRAN OO AAN KU SOO BIXIN DAMEERI DHAAN RAACDAY.

UGU DANBAYN WAXA MUNAASIBADAASI SI RASMI AH U FURAY GUDOOMIYAHA GOBOLKA TOGDHEER MUDANE XAMSE MAXAMED CABDI, WAXAANU SHEEGAY IN UU AAD U SOO DHAWEYNAYO CARWADAN JAAMACADAHA EE LAGU QABTAY GOBOLKIISA WAXAANU ARDAYDA U SOO JEEDIYEY IN AY KA FAA’IIDAYSTAAN OO AY KA SOO QAYBGALAAN MUDADA KOOBAN EE AY SOCOTO, WAXAANU HADALKIISA KU BILAABAY; WAA GUUL WEYN OO U SOO HOYATAY GOBOLKA TOGDHEER MUNAASIBADAN JAAMACADUHU KU SOO BANDHIGAYAA CULUUNTA AY BIXIYAAN SIDAA DARTEED WAXAN ARDAYDA IYO BULSHADA DANAYSA WAXBARASHADA BA U SOO JEEDINAYAA IN AY FURSADAN KA FAA’IIDAYSTAAN OO AY YIMAADAAN GOOBTAN LAGU QABTAY BANDHIGA CARWADA JAAMACADAHA. UGU DANBAYN WAXAN SI RASMI AH U FURAY MUNAASIBADAN OO SOCON DOONTA MUDO LABA MAALMOOD AH, WAXANAN DHAMMAAN KULA DARDAARMAYAA ARDAYDA JAAMACADAHA GALAYSA IN AY GOOBTAN YIMAADAAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here