Dawladda Aljeeriya Oo Xidhay Baraha Bulshadu Ku Kulanto Si Looga Hor-tago Eegashada (Qishka) Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare Ee Dalkaasi

0
175

Dalka Aljeeriya oo dhaca waqooyi-galbeed ee qaarada  Afrika ayaa si ku meel-gaadh ah u xanibay baraha bulshadu ku kulanto sida:- Facebook, Whatsapp, twitter, IMO, Scape I.W.M. dhacdadan ayey masuuliyiinta wasaarada waxbarashadda dalkaasi ku tilmaameen sidii looga hortagi lahaa ama loola dagaalami lahaa arrimaha eegashada (qish) iyo wax is daba-marin ka dhacda imtixaanada shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare oo dhawaan ka bilaabmi doona dalkaasi. Ujeedada arrintan laga leeyahay ayaa ah sidii ay ula dagaalami lahaayeen in aanay ardaydu imtixaanka kala eegan si loo helo arday ku soo baxday aqoontii ay soo barteen.

Dhanka kale, xafiiska imtixaanaadka dalka Aljeeriya ayaa ku qasbay qaybo badan oo ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa ah, in ay dib u soo buuxiyaan fasalo ay hore uga soo boodeen si loo saxo nidaamka jaranjarada waxbarashadda dalkaasi u yaala, ardaydan ayaa laga qaadi doonaa imtixaan axada todobaadkan inagu soo aaddan ee bisha lixaad, ka hor inta aan la bilaabin imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dalkaasi.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka dalka Aljeeriya ayaa baraha bulshadu ku kulanto ku tilmaamay meel u sahasha ardaydu in ay qish sameeyaan, taasina waxay meesha ka saaraysaa in ay soo baxaan arday aqoon ku soo baxday isla markaana hadhow geli kara waxbarashadda sare. Sidoo kale waxay dedaal badan geliyeen sidii imtixaanka ugu fadhiisan lahaayeen arday soo dhammaysatay shuruudihii waxbarasho ee looga baahnaa. Wasaarada waxbarashadda ee dalka Aljeeriya ayaa arrinta qishka ku tilmaantay masiibo qaran oo soo wajahday nidaamkii waxbarashadda dalkaasi, waxaanay sheegeen in ay si adag ula dagaalami doonaan arrimaha boodada waxbarashada iyo eegashada si loo soo saaro arday aqoon yahano ah oo dalka anfacda.

Go’aanka lagu xanibayo baraha bulshadu ku kulanto ee dalka Aljeeriya ayey madaxda dalkaasi si rasmi ah uga hadleen isla markaana ku sheegeen in arrintani lagaga hortaygayo cadaalad daro ka dhacda nidaamka waxbarashadda dalkaasi, waxaana warkaasi lagu baahiyey wakaalada wararka ee APS.

Haddaba, arrintan Eegashada (Qishka) Imtixaanaadka ayaa mudooyinkii u danbeeyey noqotay mid heer caalimi ah taasi oo hoos u dhac ku keentay tayada aqoonta waxbarashada ardayda soo baxaysa. Wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyey la tacaalaysay sidii ay uga hortagi lahaayeen eegashada (Qishka) imtixaanaadka iyo in ardaydu ka soo boodaan nidaamka jaranjarada waxbarashadda ee jamhuuriyada Somaliland, waxaanay madaxda wasaarada waxbarashadu soo saareen go’aano iyo amaro kala duwan oo lagaga hortagayo arrimahan.

Sida ay sheegeen, masuuliyiinta wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Jamhuuriyada Somaliland, waxa dedaalkaa iyo ka hortaga qishka carqalad halis ah ku noqotay baraha bulshadu ku kulanto, kuwaasi oo aanay awood u lahayn in ay xidhaan mudada imtixaanku socdo, maadaama oo shirkadaha maamula Isgaadhsiinta dalku yihiin kuwa gaar loo leeyahay. Madaxda wasaaradda waxbarashadda  iyo sayniska ayaa dhowr jeer codsiyo u gudbiyey shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland si ay uga xidhaan baraha bulshada mudada imtixaanku socdo laakiin arrintaasi way ka gaws-adaygeen in ay fuliyaan.

 

Xigasho: BBC world service (focus on Africa)

Turjumistii: Mowliid Kibaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here