Dugsiga Agoomaha Ee Kuwait Waxa Uu Saaxadda Waxbarashadda Dalka Ku Soo Kordhiyey Aqoon Wax Tar Leh

0
56

Hay’ada lagu magacaabo African Relief oo laga leeyahay dalka Kuwait ayaa waxay 21 sano ka hor ka yagleeshay magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa dugsi si heer sare ah loo dhisey kaasi oo ay ugu talagaleen in wax lagu baro ardeyda agoonta ah ee ka soo jeeda bulshadda Somaliland. dugsigan ayaa waxa maalgelisey dawlada Kuwait kaasi oo ay uga gol lahaayeen sidii ay u caawin lahaayeen carruurta reer Somaliland kuwaasi oo ka soo doogaya dagaalo iyo dib u dhac balaadhan oo ay sababeen dagaaladii iyo qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhacay guud ahaan geyiga Somaliland.

Habka iyo hannaanka loo maamulay mashruucan waxbarasho ee laga hirgalayey magaalada hargaysa ayaa waxa uu keenay horumar balaadhan oo ay ku soo kordhiyeen ardeyda wax ka baratay dugsigaasi iyo guud ahaan wax soo saarka dalka. Waxyaabaha mudnaanta leh ee dugsigan lagu majiiran karo ayaa ah xirfadaha farsamo ee uu dugsigani baro da’a yarta wax ka barata dugsigan hoyga ah ee ku yaala daafta bari ee magaalada hargaysa.

Aniga oo uu i weheliyo la taliyaha wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Mudane Axmed Jaamac Ibraahim ayaan booqasho ku tagnay dugsigaasi horaantii sannadkan 2018-ka si aan wax uga ogaado aqoonta iyo guud ahaan hawlaha waxbarasho ee ka socda dugsigaasi. Waxyaabihii aadka ii soo jiitay ee i cajab-geliyey waxa ka mid ahaa; sida ardayda loo barayo mihnada farsamada gacanta oo qaybo badan leh kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen; qaybta barashadda korontada, Nijaarista, biyo gelinta, laxaamada, samaynta qaboojiyayaasha, samaynta jiingadaha guryaha la saaro kuwaasi oo loo barayey qaab casri ah oo la jaanqadaya habka iyo hannaanka casrigan loo sameeyo.

Dhammaan farsamooyinkan ayaa ahaa kuwa dalka iyo bulshada reer Somaliland baahi weyn u qabaan si kor loogu qaado horumarka iyo koboca dhaqaalaha bulshada isla markaan looga maarmo agab dibadaha laga soo waarido. Wax yaabaha aadka noo soo jiitay ayaa ahaa sida quruxda badan ee ay u naqshadeeyeen alaabooyinka guryaha sida sariiraha hurdada iyo sidoo kale talaagadaha wax lagu qaboojiyo kuwaasi oo dhammaantood lagu farsameeyey dugsigan dhexdiisa. Sida maamulka dugsigaasi sheegeen, waxay alaabtaa ay ardaydu samayso loo iib geeyaa suuqyada dalka kuwaasi oo ay bulshada iibsataana aad u jecel yihiin.

Dugsigan oo ruqsadiisa waxbarasho ay siisey wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland ayaa dhab ahaantii wax lagu farxo ku soo kordhiyey saaxada waxbarashadda Somaliland. wasaaradda waxbarashadda iyo saynisku waxay mudooyinkii u danbeeyey awooda saartay sidii loo kobcin lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa aqoonta mihnada xirfada farsamada gacanta ayaa waxay dugsigan madaxda wasaaradda waxbarashadu ku amaaneen sida xil kasnimada iyo kartidu ku dheehan tahay ee ay masuuliyiinta dugsigan iyo dawlada Kuwait-ba xilka iskaga saartay sidii dugsigani u noqon lahaa mid taaba gala isla markaana wax ku soo kordhiya bulshada reer Somaliland.

Dedaalka iyo maamulka wanaagsan ee dugsigani waxa uu mudan yahay ku dayasho si horumarka iyo dhaqaalaha dalka kor loogu qaado. Sida ay sheegeen masuuliyiinta dugsigaasi 60% dhaqaalaha lagu maamulo dugsigan wakhti xaadirkan waxa lagu daboolaa wax soo saarka dhanka waaxda farsamda gacanta iyo wax soo saarka dhanka beerta dugsigaasi kuwaasi oo waxna dugsigu dib u isticmaalo qaybna loo iib-geeyo suuqyada dalka. Guntii iyo gunaanadkii dugsigani waxa uu mudan yahay in la dhiiri-geliyo isla markaana goobaha waxbarashadda ee dalka Somaliland-na waxa uu u yahay tusaale wax badan lagaga dayan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here