Hay’adda Waddaniga Ah Ee Taakulo Oo Deeq Laamabaddo Soolar Ah Gaadhsiiyey Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Gadh-yogol

0
666

Hay’adda Waddaniga Ah Ee Taakulo Oo Deeq Laamabaddo Soolar Ah Gaadhsiiyey Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Gadh-yogol

DSC_9609Hay’adda waddaniga ah ee taakulo ayaa deeq laamadaha soolarka ah gaadhsiiyey dugsiga hoose dhexe ee tuuladda sheekh ibraahim Gadh-yogol, deeqdan oo ay soo bixisay China Chamber of Commerce AFCHAM ayaa wax weyn ka badali doontaa hab akhriska ardaydda ku dhaqan tuulooyinka oo aan iyagu haysan iftiin ay wax ku akhristaan. Wefti uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Mudane Cabdi Cali Jaamac ayaa waxay deeqdaasi gaadhsiiyeen ardayda dugsigaasi, waxa agaasimaha ku wehelinayey weftiga Gudoomiyaha Waxbarashadda Gobolka maroodi jeex qaybta galbeedka mudane xuseen Xasan, Gudoomiyaha Hay’adda Waddaniga ah ee taakulo iyo Ubax Ducaale oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare.

DSC_9675Waxa ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha hay’adda Taakulo Cumar Jaamac Faarax oo isagu soo gaadhsiiyey deeqdan gudoomiyaha waxbarashadda gobolka maroodi jeex qaytiisa galbeedka, isaga oo ka warbixinaya deeqdan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; Deeqdan waxa soo bixisay China Chamber of Commerce (AFCHAM), waxaanay ugu talagaleen ardayda ku dhaqan goobaha miyiga ah ee aan lahayn laydh ay wax ku akhristaan. Deeqdan aan maanta u qaybinayno ardaydu waxay dhan tahay 100 midh oo soolar yar yar ah kaasi oo ay ardaydu duruustooda ku akhrisan doonaan marka ay guryahooda joogaan. Qalabkani ugama baahna tamar kale laakiin waxay u dhigayaan qoraxda taasi oo habeenkii oo dhan ku akhrisan karaan isla markaan iftiimin karta dhammaan qolka ay ku jiraan.

DSC_9673Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay maamulaha dugsiga Gadh-yogol Mudane Fu’aad, waxaanu uga mahad-naqay weftiga deeqdan qiimaha leh ee uu weftigu soo gaadhsiiyey dugsiga isla markaana waxa uu ka warbixiyey sida ay ugu baahnaayeen deeqdan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; waxan idiinka mahad-nayaa deeqdan soolarta ah taasi oo ardayda ka anfici doonta ardayda dhinaca akhriska kaasi oo markii hore dhib badan ku hayey in ay habeenkii wax akhristaan. Ardayda dugsiga dhigataa waa 82 waxaanay ka kala yimaadaan deegaanadda miyiga ah ee ku hareeraysan tuuladda sheekh ibraahim gadhyogol. Sidoo kale waxa iyaguna mahad balaadhan idiin haya macalimiinta wax ka dhiga dugsigan ee aad iyagana siiseen agabkan si ay casharadda ugu soo diyaariyaan.

DSC_9689Gudoomiyaha Waxbarashadda gobolka Maroodi Jeex Qaybta Galbeedka Mudane Xuseen Xasan ayaa isaguna Goobtaasi ka hadlay waxaanu uga mahadnaqay hay’adda wadaniga ah ee Taakulo deeqdan ay soo gaadhsiiyeen dugsiga gadh-yogol, waxaanu yidhi; runtii aad baan ugu faraxsanahay deeqdan qiimaha leh ee ay na soo gaadhsiiyeen madaxda hay’adda Taakulo, kuwaasi oo xil weyn iska saaray sidii ay wax u tari lahaayeen ardayda ku dhaqan goobaha miyiga ah. Agaasimaha guud iyo madaxa hay’adda taakulo waxay idinka soo xusheen dhammaan dugsiyadda tiradda badan eek u yaala dalka taasina waxay markhaati u tahay sida dugsigan ay mudnaanta kowaad u siiyeen. Waxaan ardayda kula dardaarmayaa in ay qalabkan ilaashadaan oo aanay dayicin.

DSC_9718Ugu danbayn waxa munaasibadaasi soo afmeeray agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Cabdi Cali Jaamac waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; waxan aad ugu mahadnaqayaa Hay’adda AFCHAM iyo hay’adda Taakulo oo mashruucan fulinaysa kuwaasi oo xil weyn iska saaray sidii ay u caawin lahaayeen ardayda ku dhaqan goobaha miyiga ah ee uu dugsigan gadh-yogol ka mid yahay. Waxan ardayda iyo macalimiinta kula dardaarmayaa in ay qalabkan ilaashadaan si uu wax uga taro dhinaca akhriska kaasi oo muhiim u ah nidaamka waxbarasho ee ay ku hawlan yihiin. Waxan hay’adda Taakulo u soo jeedinayaa in ay sii joogteeyaan caawimooyinka noocan oo kale ah, hay’addu maaha markii ugu horeysay ee ay deeqo gaadhsiiso dalka laakiin waxay had iyo jeer ku hawlan tahay sidii ay wax weyn u tari lahayd dadkooda iyo dalkooda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADII MUNAASIBADAASI:

DSC_9619DSC_9615DSC_9646DSC_9635DSC_9623DSC_9669DSC_9658DSC_9654DSC_9682DSC_9702DSC_9623DSC_9621DSC_9766

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here