IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE DUGSIYADA DHEXE IYO SARE OO SI RASMI AH U BILAABMAY

0
35

Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2017-2018 ayaa si rasmi ah uga bilaabmay gobolada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. imtixaankan ayey u fadhiisan doonaan guud ahaan arday tiradoodu ku dhowdahay 30,000 kun oo arday kuwaasi oo iskugu jira fasalada siddeedaad ee dugsiga dhexe iyo fasalada afraad ee dugsiyada sare. Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo gudoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Mudane Daa’uud Axmed Faarax ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqmay in uu bilaabmay imtixaankii saaka oo ay taariikhdu tahay 30/6/2018-ka oo ah subax sabti ah siddeeda subaxnimo. munaasibad lagu qabtay dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Madar ee magaalada Hargaysa ayey shir ku qabteen waxaanay halkaa ka sheegeen in dhammaan imtixaankii gaadhay goobihii loogu talagalay isla markaana uu hadda si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan dugsiyada dalka oo dhan.

Imtixaanka sannadkan waxa ku cusbaa dugsiyada farsamada gacanta oo mudo 27 sannadood ah ka bacdi dib ugu soo noqotay saaxata waxbarashadda Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii ay dugsiyada farsamadu ka baxeen goobaha waxbarashadda burburkii iyo dagaaladii dib u xoreynta somaliland. Wasaarada waxbarashadda iyo sayniska ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey qorshaha koowaad ee wasaaradda waxbarashadda ka dhigtay aqoonta farsamada gacanta taasi oo dalku baahi weyn u qabo in la helo farsamayaqaano dalka iyo dadkaba ku soo kordhiya horumar la taabto.

Dhanka kale wasiirka iyo gudoomiyaha imtixaanku waxay intaa ka bacdi kormeer ku soo mareen qaar ka mid ah dugsiyada imtixaanku ka socdo, waxaanay goobahaa ay soo mareen u kuurgaleen habsimi u socodka imtixaanka, sidoo kale waxay goobahaasi kula hadleen masuuliyiinta imtixaanka ee dugsiyadaa ay soo mareen, isla markaana waxay ardayda kula dardaarmeen in ay is dejiyaan oo ay imtixaanka si degan uga shaqeeyaan.

Ugu horeyn gudoomiyaha imtixaanaadka qaranka Mudane Daa’uud Axmed Faarax ayaa munaasibadaa ku dhawaaqista imtixaanka bilawgiisa ka hadlay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; imtixaanku waxa uu socon doonaa mudo lix maalmood ah, waxaanu hada imtixaanku ku sugan yahay dhammaan goobihii loogu talagalay. Tirade ardayda dugsiga dhexe u fadhiisanaysaa waa 18256 siddeed iyo toban kun konton iyo lix arday, dugsiyada sare-na waxa u fadhiisanaya arday dhan 9931 sagaal kun sagaal boqol soddon iyo kow. Dhanka kale waxan ardayda uga digayaa in aanay soo qaadan moobilada haddii kale imtixaankooda way waayi doonaan. Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu sheegay in aanay weli hayn wax dhib ah oo soo wajahay habsami u socodka hawlaha imtixaanka.

Ugu danbayn, wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faratoon ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu imtixaanku hadda bilaabmay, waxaanu buqshadii imtixaanka ee ugu horeysay ku furay dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Madar ee magaalada Hargaysa, halkaasi oo ah goob imtixaanka lagu gelayo. Wasiirka oo halkaa ka hadlay waxa uu ku bilaabay; alxamdulilaah, waxan saaka si rasmi ah u furayaa si uu imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe iyo sare ay galayeen. Waxan ardayda u fadhiisanaysa ugu ducaynayaa in ay guul ka gaadhaan imtixaanadaasi. Waxan waalidiinta iyo dhammaan daneeyayaasha waxbarashadda ba ugu baaqayaa in ay nagala shaqeeyaan habsami u socodka hawlaha imtixaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here