M/WEYNE KUXIGEENKA SOMALILAND OO KA QAYBGALAY SHIRKA DIB U EEGISTA QORSHAHA WAX QABAD EE W/WAXBARASHADDA IYO SAYNISKA

0
108

Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaaciil (Seylici) ayaa furay shir lagu gorfaynayey qorshaha waxqabad ee wasaarada waxbarashadda iyo sayniska ee sannadaha 2017-2018-ka. Shirkan oo sannadkiiba hal mar la qabto ayaa lagu falanqeeyaa qorshayaasha waxqabad ee waxbarashadda kaasi oo shantii sano ba hal mar la dejiyo, waxana shirkan lagu lafa guraa wixii ka qabsoomay qorshayaashaa la dejiyey iyo waxa aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen iyo guulaha la gaadhay.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisey wasaarada waxbarashadda iyo sayniska oo caawimo ka heshay hay’ada GIZ ayaa waxay iskugu yeedhay dhammaan daneeyayaasha waxbarashadda kuwaasi oo gacan dhaqaale ku taageera hawlaha waxbarashadda Somaliland. shirkan oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa waxa ka soo qaybgalay madax ka socotay hay’ada UNICEF, qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqaynta la leh wasaaradda, ururrada maxaliga ah, agaasime waaxeedyada waxbarashadda iyo marti sharaf tiro badan.

Ugu horeyn waxa shirkan iyo ujeedooyinkiisa ka waramay Agaasimaha Guud ee W/waxbarashadda iyo sayniska Prof Maxamed Faarax Xareed waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; shirkani waxan dib u eegis ku samaynaa  qorshaha shanta sano ee wasaarada waxbarashadda iyo sayniska kaasi oo halkii sano ba mar la qabto, kaasi oo ah kii afraad ee noocisa oo kale ah ee ay qabato wasaarada waxbarashadu. Waxa dhanka dhaqaalaha naga caawiyey hay’ada GIZ si looga tashado qorshihii shantii sano ee ina dhaafay, sidoo kale waxa shirkan lagu eegi doonaa qorshaha shanta sano, kaasi oo ku eg 2021.

Shirkani oo ay ka soo qaybgaleen gudoomiyayaasha waxbarashadda ee heer gobol, agaasime waaxeedyada wasaaradda, hay’adaha UN-ka, kuwa caalamiga ah iyo dhammaan daneeyayaasha waxbarashadda Somaliland, shirkan waxa uu diirada saari doono mudada labada maalmood ah ee uu halkan ka socdo; Maaraynta iyo maamulka waxbarasadda, dugsiyada barbaarinta caruurta, dugsiyada hoose/dhexe, farsamada gacanta, tacliinta sare, dugsiyada sare. Hawlahaa aan soo sheegnay waxa ka soo shaqeeyey seddex kooxood kuwaasi oo ka kooban 21-xubnood oo iskugu jira wasaarada waxbarashadda iyo xubno ka socda la taliyayaal la shaqeeya wasaarada.

Wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska mudane Yaasiin X. Maxamuud ayaa isaguna shirkaasi ka hadlay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; shirkani waxa uu daaran yahay sidii aan wax uga baran lahayn qorshihii sannadihii hore wixii dib u dhac jirey iyo guulihii la gaadhay si looga gaashaanto caqabadihii jirey qorshaha shantan sanno ee danbe. Shirkani waxa lagu wadaagi doonaa wixii fakar ah iyo wixii lagu horumarin karo waxbarashadda.

Sidaa darteed waxa ka soo qaybgalayaasha laga codsanayaa in ay si hufan oo maskax furan looga qaybqaato mudada shirkani socdo si guul looga gaadho qorshaha shanta sono ee hada aynu ku jirno. Waxan ku rejo weynahay in aad si mug iyo miisaan leh uga qaybqaadan doontaan shirkan. Waxan u mahadnqayaa hay’ada shirkan dhaqaalihiisa naga caawisey ee lagu magacaabo GIZ.

Ugu danbayn wasiirka wasaarada waxbarashadu waxa uu ku soo dhaweeyey madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyada Somaliland oo shirkaasi si rasmi ah u faray. Madaxweyne kuxigeenka oo halkaasi ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; Wasiirka wasaarada waxbarashadda, W/kuxigeenka, Agaasimaha Guud W/Waxbarashadda, Agaasimaha Tacliinta Sare, Masuuliyiinta hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo dhammaan marti sharafta qiimaha iyo qaayaha leh SALAAMU CALEYKUM WARAXMA TULAAHI WABARAKAATU.

Waxa ii sharaf ah ka soo qaybgalka munaasibadan aynu ku eegayno qorshihii waxqabad ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska ee 2017-kii, kaasi oo lagu falanqaynayo waxyaabihii uga hirgalay iyo waxyaabihii aan qabsoomin.

Isla markaana lagu eegayo ku talagalka sannadka  2018-ka, iyada oo looga faa’iidaysto casharadii laga bartay sannadkii la soo dhaafay.

Wasaarada waxbarashadda oo ka mid ah wasaarada ugu mudan wasaaradaha dalka, taasi oo ah warshad soo saarta aqoonyahanka maanta, kuwa beri iyo kuwa mustaqbalkaba waxan ku bogaadinayaa hawshaa baaxada leh ee ay qaranka u hayaan, waxanan u rejeynayaa in ay ku guulaystaan ujeedooyinka iyo himilooyinka loo asteeyey waxbarashadda qaranka.

Horumarka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee dal ku badhaadho, waxa uu ku xidhan yahay hadba sida uu dadkiisa wax u baro, sidaa darteed waxan xukuumad ahaan awooda saaraynaa sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka iyo tayda waxbarashada dalka.

Sidoo kale waxa shirkaasi iyaguna ka hadlay masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah ee wada shaqaynta la leh wasaarada waxbarashadda iyo sayniska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here