MADAX-WEYNE MUUSE BIIXI AYAA KA QAYB-GALAY XAFLADA QALIN-JABINTA DUFCADII 17-AAD EE JAAMACADDA CAMUUD

0
199

Madax weynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb-galay munaasibad loo qabtay dufcadii 17-aad ee ka qalinjabisey jaamacadda camuud, taasi oo lagu qabtay xarunta jaamacadaasi ee magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame. Munaasibad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu maamuusay 900 oo arday oo ka qalin jabiyey jaamacadda camuud, sidoo kale waxa xafladaasi iyaguna ka soo qaybgalay Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka, Wasiirka Caddaaladda, Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada, masuuliyiin badan oo ka socday golayaasha qaranka, jananada ciidamada qaranka, ardayda qalinjabinaysey, waalidiintood iyo marti sharaf tiro badan kuwaasi oo la dabaaldegayey farxada ardaydan qalin jabinaysay.

ardaydan qalinjabinaysay ayaa ka kala socday kuliyadaha kala ah; Shareecada, Caafimaadka iyo ganacsiga, waxaanay tiradoodu dhammayd 900 oo arday oo iskugu jirey wiilal iyo gabdho. Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadalay Madax-weynaha Jaamacadda Camuud Saleebaan Cabdi Guuleed, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; Mudane Maxdaxweyne maanta waxan halkan ku maasmuuseynaa arday dhammaysatay dhammaan shuruudihii waxbarasho ee looga baahnaa, waxaanay ardayda qalinjabinaysaa iskugu jiraa kuwo Shahaadada Diploma qaadanaya kuwaasi oo ah kuwa ugu mudada yar, halka kuwa ugu wakhtiga dheeri yihiin kuliyada caafimaadka oo mudo 7-sano ah wax soo baranayey. Waxan hambalyo iyo bogaadin u diryaa macalimiintii ardaydan wax soo bartay, ardayda, walaadiintood iyo dhammaan ciddii gacan ka geysatay intii ay wax baranayeen. Mudane madaxweyne waxa noo sharaf ah in aad socdaalkaagii u horeeyey nagala soo qaybgasho munaasibadan qaaliga ah tan iyo maalintii lagu doortay.

Munaasibadaasi oo ay ka hadleen marti badani oo iskugu jirta cuqaasha, culimada, siyaasiyiin iyo madaxbadan oo dawli ahi, waxaa isaguna ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashadda Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, waxaanu halkaa ka soo jeediyey hadalo kooban oo ku wajahan munaasibadan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; runtii aniga oo ah wasiirkii wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland waxay munaasibadan qalinjabinta camuud i gelisey ididiilo iyo farxad taasi oo i tustay in ay weli jirto farxad dhanka waxbarashadda ahi.

Camuud waxay muujisey karti iyo hufnaan dhanka aqoonta ah, taasi oo runtii dalka gaadhsiin karta horumar iyo badhaadhe dalku gaadho. Xaqiiqdii jaamacada camuud way is muujisey waxaanay haysataa ictiraaf caalami ah, dhammaanteena waxa la inooga baahan yahay in aan garab istaagno oo aan ka gargaarno wixii caqabado ka hor yimaada. Dhanka kale baryahan waxad maqlayseen in waxoogaa buuq ahi ka jirey wasaaradda waxbarashadda, wax kalena may ahayne, waxan wadnay barnaamij aan ku tayeynayno macalimiinta, arrintaasina waxay keentay in macalimiinta qaar ka mid ahi ka soo horjeestaan, taasina naga hor istaagimayso in aan tayeyno waxbarashadda dalka oo aan hoosta ka soo dhisno. Jaamacada camuudna waxan ka wada shaqyn doonaa sidii aan u tayeyn lahayn macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka. Wasiirku waxa uu hambalyo iyo bogaadin u direy ardayda qalinjabinaysey, waalidiintood iyo macalimiintii wax soo baray. Ugu danbayn wasiirku waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland si uu xaflada u soo afmeero.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasibada soo gunaanaday waxaanu hadalkiisa ku bilabay; ugu horeyn waxan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardayda qalinjabineysa, macalimiintooda iyo waalidiintood. Sidoo kale waxan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa jaamacada camuud oo dalka kaalin muhiim ah oo horumarineed ugu jirta dalka waxaanan leeyahay illaahay ha idinla garabgalo dedaalka iyo kaalinta laxaadka leh ee aad dalkiina iyo dadkiina u haysaan. Camuud waxay ka soo baxday kaalintii iyo ahdaaftii loo aas’aasey waxaanay dalka u soo saartay dhallinyaro aqoon leh kuwaasi oo dalka maanta ka shaqeeya isla markaana madax ka ah. Siddeed bilood ayaan madaxweyne ahaa, nasiib wanaag safarkaygii u horeeyey ee aan dalka kudihiisa ugu baxo waxay ku beegantay qalinjabintii jaamacada camuud taasina farxad gaar ah bay ii tahay. Run ahaantii caqabado badan oo aan inagu sabab u nahay ayaa dalka ka jira, kuwaasi oo ragaadiya horumarka iyo geedi socodka dhaqan-dhaqaale ee dalka, sidaa darteed waxan bulshada u soo jeedinayaa in waddaniyadu shaqayso oo dhan looga soo wada jeesto sidii looga wada shaqayn lahaa danaha qaranka taasi oo inagu hagi karta in aan isku filnaansho gaadhno. Dhawaan waxay wasaaradda waxbarashaddu bilawday qorshayaal ay ku tayeynayaan waxbarashadda dalka, waxase ka hor yimi caqabado badan kuwaasi oo la majarahabaabinayo yoolkii ay damacsanayd wasaaradu, sidaa darteed hadaynaan ka wada shaqayn danaha horumarka meel gaadhi mayno. Dhanka kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay arrimaha ammaanka mandaqada iyo dalku halka uu marayo, waxaanu sheegay in ay mudadaa ay joogeen ku dadaaleen sidii nabadgalyada loo sii xoojin lahaa, waxaanu bulshadda u soo jeediyey in horumarka dalka iyo ammnigiisa la hareero joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here