Madaxdda Wasaaradda Waxbarashadda Oo Kullan Duco Ah U Qabtay Marxuum Aniis Saalax X. Xasan

0
396

Madaxdda Wasaaradda Waxbarashadda Oo Kullan Duco Ah U Qabtay Marxuum Aniis Saalax X. Xasan

dsc_4031madaxda wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee ka qayb-gashay aaska Marxuum Aniis Saalax Xaaji Xasan oo Ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay duleedka tuuladda karasharka ee u dhaxaysa magaaladda burco iyo sheekh xiligaasi oo uu u soo safrayey xaga magaaladda hargaysa. Marxuum Aniis Saalax X. Xasan ayaa ahaa Gudoomiyihii Waxbarashadda ee gobolka Sanaag waxaanu hawlo taariikhi ah ka soo qabtay guud ahaan arrimaha waxbarashada iyo nabadaynta dalka, marxuumku waxa uu soo qabtay xilal badan oo kala duwanaa. si kastaba ha ahaatee Marxuum Aniis Waxa uu ahaa halyey bulshadiisa wax badan taray kaasi oo ay si gaar ah u tabi doonto kaalintiisii wax qabad ee dhinaca waxbarashadda iyo arrimaha bulshadda.

dsc_4031 madaxda wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare oo uu hor kacayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Maxamed Aadan X Cilmi iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashadda ayaa kullan duco ah ku qabtay xarunta wasaaradda waxbarashadda gobolka togdheer ee burco, waxana ka soo qayb-galay kullankaa gudoomiyayaasha goboladda, madax qaybeedada iyo qaar ka mid ah cuqaasha gobolka sanaag iyo togdheer, waxaanay illaahay uga baryeen dhammaantood in uu jano fardawsa geeyo ehelkii, asxaabtii iyo dadkii ay soo wada shaqeeyeenba in uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

dsc_4133Iyada oo ay kulankaa ducada ah dad badani ka hadleen waxa ugu horeyn ereyo kooban oo duco ah halkaas ka soo jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane cabdi cali jaamac waxaanu illaahay uga baryey in uu ku abaal mariyo janooyinkiisa inagana samir iyo iimaan inaga siiyo, sidoo kale waxa uu agaasimuhu sheegay in aanay isaga mudo badan is aqoon haddana mudadii koobnayd ee ay soo wada shaqeeyeen uu ku arkay wanaagiisa iyo sida uu halkarka iyo daacadda u ahaa.

dsc_4142waxa kulankaasi soo afmeeray oo taariikhdii marxuumkana ku dheeraaday Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Maxamed xaaji Aadan Cilmi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; sida aad ka wada marag kacdeen Aniis waxa uu ahaa shakhsi illaahay u dhaliyey wanaag iyo sharaf waxaanu noloshiisa u huray sidii dadkiisa iyo dalkiisa uu u caawin lahaa, isagu waajibkii illahay faray wuu gutaye rabi ha ka abaal mariyo wanaagaa aan u wada markhaati furnay, waxanan illaahay uga baryayaa in uu jano fardawsa geeyo inagana samir iyo iimaan inaga wada siiyo. waxa dsc_4196kale oo aan qoyskii uu ka baxay illaahay uga baryayaa in ciwad khayr qaba illahay ugu bedalo. dhammaantood masuuliyiintii iyo salaadiintii munaasibadaasi ka hadashay waxay ku dheeraadeen taariikhdii iyo wax qabadkii uu ka soo shaqeeyey marxuum aniis intii uu noolaa. maalintii jimcihii ee ay taariikhdu ahayd 6/1/216-ka ayaa lagu aasay xabaalaha magaaladda burco waxaana aaska marxuumka ka soo qayb-galay masuuliyiin dawladeed oo tiro badan, cuqaal iyo dadweyne kale oo iskaga kala yimi dhammaan goboladda kala duwan ee somaliland.

INAA LILAAHU WA INAA ILLEYHI RAAJICUUN

dsc_4232dsc_4240dsc_4029dsc_4069

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here