Madaxweyne Biixi Oo Daah-Furay Mashruuca Hirgelinta Qorshayaasha Istiraatijiyadeed Ee Waxbarashadda

0
170

Madax weynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb-galay daah-furka maushruuca hirgelinta qorshayaasha istiraatijiyadeed ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska. Mashruucan oo marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo GPE (Global Partnership for Education) kaasi oo ay wadamada horumaray ku caawiyaan dalalk dunida seddexaad ee heerkooda waxbarasho hooseeyaan. Waxa mashruucan fullintiisa iyo dhanka maaliyada kala shaqeeya hay’ada Save Children International. Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ay isku soo dubariday wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska ayaa lagu qabtay hudheelka maansoor ee magaalada hargaysa, waxana maalgeliyey munaasibadaasi hay’ada Save Children.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, wasiir kuxigeenka waxbarashadda Mudane C/qaadir Maxamuud sheekh Muxumed, Agaasimaha guud ee waxbarashadda Prof Maxamed Faarax Xareed, Agaasimaha Tacliinta Sare ee Waxbarashadda, Gudoomiyayaasha Waxbarashadda ee heer gobol, agaasime waaxeedyada wasaaradda, masuuliyiin ka kala socotay hay’adaha wada shaqaynta la leh waxbarashadda iyo marti sharaf tiro badan oo kale.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Maxamed Faarax Xareed, waxaanu ka war-bixiyey mashruucan iyo muhiimada balaadhan ee uu u leeyahay guud ahaan waxbarashadda dalka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; mashruucan waxa soomaaliland ku caawiyey wadamada qaadhaanka bixiya ee yurubta galbeed iyo waqooyiga ameerika, waxaanay u soo mariyaan hay’ada caalamiga ah ee Save Children, mashruucani wax tar badan ayuu hore uga soo geystay guud ahaan waxbarashadda dalka, kana waxan ka rejeynaynaa in uu dhacanta halkaa ka sii qaado oo uu sii horumariyo dhanka tayada iyo kaabayaasha waxbarashadda. Mashruucan lacagta uu ku kacayaa waxay dhan tahay $10.6 millyan oo dollarka maraykan ka ah, laakiin hadda waxa lagu bilaabi doonaa sida qorshuhu yahay $8.6 millyan. Ka wasaarad ahaan waxa naga go’an in aan mashruucan ku dedaalo in uu noqdo mid midho dhal badan keena.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir faratoon ayaa shirkaasi ka hadlay waxaanu warbixin madaxweynaha ka siiyey mashruucan iyo waxyaabaha uu diirada saarayo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; Mudane Madaxweyne mashruucani waxa uu ka shaqayn doonaa horumarinta waxbarashadda seddexda sano ee soo socda, wadamada inagu deeqa mashruucani waxay ku saleeyaan korodhka lacagta ay ina siiyaan hadba inta qaran ahaan aynu miisaaniyada ugu darno waxbarashadda.

Mudane madaxweyne mashruucan GPE-gu  waxa uu ahmiyada saarayaa dhanka; tababarka macalimiinta, kobcinta dugsiyo farsamo gacmeed ah, qalabaynta goobaha waxbarashadda iyo dayactirka dugsiyada, ka jawaabista waxbarashadda xaaladaha degdega ah ee ay keenaan abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ahi iyo maamulka iyo maaraynta hawlaha waxbarashadda. Mudane madaxweyne weli waxbarashaddu may helin miisaaniyad ku filan oo ay ku wada daboosho baylahda waxbarasho ee dalkeena ka jirta sidaa darteed waxa lagama maarmaan noqaotay in aan hadba karaankeena geediga rarno anaga oo sida ay u kala mudan yihiin u eegayna.

waxa iyaguna shirkaasi khudbado khuseeya ka soo jeediyey wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane Cawaale Ibraahim Shirwac iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda horumarinta maaliyada Mudane Maxamed Daahir, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimada balaadhan ee ay waxbarashaddu qaranka horumarkiisa kaga jirto, iyo sida loogu baahan yahay in dhan looga soo wada jeesto. Wasiirka qorshaynta qaranka ayaa waxbarashadda ku amaanay qorshayaasha cad cad ee ay madaxda wasaaradu u jeexeen hanaanka iyo habsami u socodka waxbarashadda qaranku u socon doonto.

Ugu danbayn madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shirkaasi si rasmi ah u daah furay, waxaanu halkaasi ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay taasi oo uu ku guubaabiyey madaxda wasaaradda waxbarashadu in ay halkaa ka sii wadaan dedaalka iyo horumarka balaadhan ee ay ka sameeyeen dhanka waxbarashadda waxaanu hadalkiisa ku bilaabay;waxan idinla qaatay in waxbarashada la tayeeyo maadaama oo dhammaan horumar oo dhammi ku xidhan yahay hadba sida dal waxbarashadiisa u maareeyo ama u horumariyo. Dalkeena dhaqaalihiisa oo kooban awgii waxbarashaddu may helin weli wax ku filan oo ay ku wada daboosho baahiyaha jira, haddana uga hadhimayno dhaqaale nagu filan mahayno’e waanu ku dedaalaynaa in aan gaadhno halka qayrkayo gaadhay, idinkana waxa la idiinka baahan yahay in aad taa maanka ku haysaan oo ay daan ka caajisin hawlaha aad qaranka u haysaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here