Munaasibad Kulmisay Ardaydii iyo Macalimiintii Waayo-Waayo Ee Dugsiga Farsamadda Gacanta Burco

0
749

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare xafladaas oo ay soo qabanqaabiyeen Madaxda DSC_4716Wasaaradda Waxbarashadda iyo Aqoonyahano ka mid ahaa Ardaydii Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco dhigan jirtey, munaasibadaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda
Waxbarashadda, Agaasimaha Waxbarashadda, Aqoonyahano, Culimo, siyaasiyiin ka tirsanaa ardaydii wax ka baratay Dugsiga Farsamadda Gacanta ee Magaaladda Burco sanadihii 1967 ilaa 1988-kii iyo marti sharaf kale oo uu ka mid yahay Antony willi oo ah nin daneeya arrimaha waxbarashadda Somaliland.

DSC_5401Waxa ugu horeyn munaasibadaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Abiib Axmed Cali oo isaga qudhiisu ahaa Ardaydii Dugiga Farsamada Gacanta Burco wax ka soo bartay, isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa hadalkiisii ka mid ahaa; walaalayaal ujeedada aynu iskugu nimi maanta waxay tahay Dib u Alooska Dugsiga Farsamada Gacanta Burco oo mudo 25 sanadood ah aan shaqayn kaas oo ay dhibaato ka soo gaadhay dagaaladii waddanka ka dhacay. Aniga laftaydu waxan ka mid ahaa ardaydii ka baxday dugsiga sanadkii 1982-kii, waxan ku faraxsanahay in aan maanta arko ardaydii iyo macalimiintii wax noo dhigi jirtay oo mar labaad iyaga oo ah Culimo, madax, ganacsato iyo aqoonyahano dalka anfacay.

DSC_6411Mudane Xuseen Cilmi Warsame oo ahaa macalinkii ugu wakhtiga dheeraa ee wax ka dhigi jiray dugsiga Farsamada gacanta burco isla markaana ahaa agaasimihii ugu cimriga dheeraa ee ka soo shaqeeyey Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland ayaa isaguna khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibada waxana hadalkiisii ka mid ahaa; Wasiir Waxa maanta halkan fadhiya qaar ka mid ah ragii wax baran jiray dugsiga Farsamada gacanta Burco sanadihii 1967-kii ilaa 1988-kii kuwaas oo iskugu jira labaatankii lod ee ka baxay dugsiga. Runtii dugsigan waxa ka soo baxay rag labeenta dalkeena ah hadda, marka mid walba magaciisa la soo hadal qaado waa rag aad ku diirsanayso, halkaa waxa iiga muuqda Sheekh Mustafe X. Ismaaciil Haaruun oo ah DSC_6375culimada dalkeena kuwa ugu magaca dheer, Mujaahid Maxamed Kaahin baa fadhiya dhab ahaantii ma soo koobi karo raga qiimaha leh ee ka baxay dugsigaa laakiin raga intii aan helnay ee aan munaasibadan ku soo casuunay badankoodii way fadhiyaan. Bishan 23-keedii ayaa Wasiirka Waxbarashaddu noo yeedhay waxa uu nagu yidhi ina keena dugsiga soo eegnee, halkaa waxa ka dhacday xaflad aad u qiimo badan waxan halkaa iskula qaadanay Wasiirka in aanu isku nimaadno intayadii wax ka baratay dugsiga si looga arrinsado sidii aan u kicin lahayn dugsigaa oo aan shaqaynayn 25-kii sanadood ee Somaliland jirtay.

DSC_6504Maanta aduunyadii way isbedeshey wixii lagu baran jiray way casriyowday oo halkii lama joogo, waxan doonaynaa in aan ubadkeena dhaxal uga tagno oo aan dugsigaa hagaajino oo aan soo gaadhsiino dugsiyadii la cimriga ahaa oo maanta heer casriya maraya. Markaa maanta waxaynu iskugu nimi sidii aan ugu gurman lahayn dugsigaa. Waxa inagu jira rag codkoodu meel fog gaadho sidaa darteed waa in aan u kacnaa oo aan dib u yagleelnaa dugsiga. Dadka dugsiga ka baxay waxay ahaayeen siidh wanaagsan maanta ayuu abaalkii idinka sugayaa dugsigii aad wax ka barateen.

DSC_6436Waxa isaguna xaflada ka hadlay Antony oo ah nin danaynaya sidii uu wax uga geysan lahaa dugsiyadda farasmada gacanta Somalilan. Antony waxa uu Somaliland yimi markii ugu horeysay 1990-kii, waxaanu hawlo samo fal ah ka fuliyey Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; waxan idiin mahad naqayaa dhammaantiin, wasiirka ayaan balansanayn anagoo u balansanayn sidii aan uga caawin lahaa dhinaca dugsiyada Farsamada gacanta, laakiin markii aan soo galay xafiiska wasiirka ayuu ii sheegay in uu hadda shirkan galayo waanu igu marti-qaaday in aan shirkan soo fadhiisto maadaama oo aan danaynayey dhinaca farsamada, farxad bay ii tahay in aan arko idinkoo ka arrinsanaya sidii aad u bilaabi lahaydeen dugsigii farsamada burco. Somaliland iguma cusba waxan imanayey mudo gaadhaysa ilaa 25 sanadood, markii u horaysay waxan imi Somaliland sanadkii 1990-kii anigoo socdaalkayga ka bilaabay magaalada  hargaysa ilaa ceerigaabo mudadaa wixii ka danbeeyey waan soo booqanayey Somaliland.

DSC_6381Mustafe Maxamed Yoonis ayaa isaguna hadal guubaabo ah ka soo jeediyey munaasibadaa waxaanu kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha in ay xil gaar ah iska saaraan sidii ay arrintaasi u hirgali lahayd, waxa kale oo uu munaasibada ka hor akhriyey magacyadda ardaydii ka baxday dugsiga farsamada gacanta intii ay soo heleen.

DSC_6476Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa isaguna munaasibadaa ka hadlay waxaanu u soo jeediyey dhammaan ka soo qaybgalayaasha in ay u diyaargaroobaan sidii dugsigaa ay wax ugu qaban lahaayeen isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; waxaynu samayn doonaa  gudi todoba xubnood ka kooban oo ah ardaydii wax ka baran jirtay dugsiga si ay u sii anbaqaadaan hawlaha dhaqaale ee uu dugsigu u baahan yahay, waxa isku xidhkeena ka shaqayn doona Mustafe Maxamed Yoonis, Wasiirkuna waxa uu ina siiyey inan xoghayn inoo noqota oo xogteena inoo kaydisa sidaa darteed dhammaanteen waa in aan masuuliyad iska saarnaa arrintaa.

DSC_6484

 

Maxamed Baarjeex oo ah ganacsade isla markaana ahaa ardaydii wax ku baratay dugsiga ayaa hadal kooban oo uu munaasibada ka jeediyey halkaa ka balan qaaday wax kasta oo looga baahdo isaga ee wax ka taraysa dib u aloosida dugsiga farsamada gacanta burco in uu diyaar la yahay, Mudane Maxamed waxa uu u soo jeediyey shirka in la joogteeyo kulamadan si ay midho dhal u noqdaan hawlahaa dib loogu yagleelayo dugsiga.

DSC_1684Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Habane ayaa uga mahadnaqay dhammaan ka soo qaybgalayaasha munaasibadan waxa kale oo uu ka warbixiyey sidii ay ku timi kulankan aynu maanta fadhinaa waxaanu yidhi; markii Wasaaradda la ii soo magacaabay ayaan xog ururrin bilaabay si aan u ogaado halka uu xaal marayo ka dibna waxa ii soo baxday in farsamadii gacantu guud ahaanba ka maqan tahay waxbarashadeenii, waxan soo booqday dugsiyada farsamada gacanta ee Hargaysa iyo burco, ka hargaysa wax badani kama maqna laakiin ka burco oo ahaa halbowle qaranka kaalin muhiim ah ugu jiray, sidaa darteed waxan u yeedhay dadkii u ehelka ahaa ee wax ka bartay ama macalimiinta ka ahaa DSC_6397dugsigaa kuwaas oo aan ka xusi karo Xuseen Cilmi, Cabdilaahi Ciise iyo Mujaahid Maxamed Kaahin, waxan isla qaadanay in aan dugsigii tagno oo aan iskugu yeedhno aqoonyahanka, siyaasiyiinta, cuqaasha iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan si aan uga arrinsano sidii aan dugsigaa dib u aloosi lahayn, halkaa waxa ka soo baxay oo ay ii soo jeediyeen raga intii munaasibadaa burco joogtay in la iskugu yeedho ardaydii ka baxday dugsiga si ay talo iyo aduunba uga gaysan lahaayeen alxamdulilaah waynagaa maanta isku nimi, haddaba waxa la inooga fadhiyaa in aan ubadkeena dhaxal uga tagno oo aan dugsigaa iyo kuwo kaleba dhisno.

Sidaa aad sheegteen waxan samaynaynaa gudidaa ka kooban ardaydii ka baxday dugsiga waxa kale oo aan joogtayn doonaa kulamadeena si aan warbixinta iyo kolba hawluhu halka ay inoo marayaan u kala qaadano, kulankeena kan xigaana waxaynu iskugu iman doonaa maalinta axada soo socota inagoo ku kulmi doona Maansoor iyo xiliga qadada waanad ku mahad santihiin sida xilkasnimada leh ee aad isku xilqaanteen.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here