OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS: FURSAD WAXBARASHO

0
435

OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS

UJEEDO: FURSAD WAXBARASHO

Gudoomiyaha Waxbarashadda ee Gobolka Saaxil wuxu ogaysiinayaa waalidiinta la jecel caruurrtooda waxbarasho tayo leh in labada dugsi sare ee hoyga ah ee Dubur iyo Dabayl-weyne ay qaadanayaan sannad dugsiyeedkan cusub arday tiradoodu dhantahay midkiiba boqol (100) arday kuwaas oo fadhiisan doona fasalka kowaad (form 1) ee dugsiyada sare. Labadan dugsi sare oo si heer sare ah loo qalabeeyey, waxaanay ku yaalaan deegaanada Dubur iyo Daybl-weyne ee G/saaxil.

Dugsiyadan waxa hirgaliyey gudida horumarinta gobolka Saaxil ee Dan iyo Duco, waxaanay ugu talagaleen in ay wax ku bartaan dhammaan ardayda ka soo kala jeeda gobolada Somaliland oo dhan. Labadan dugsi oo lagu barto dhammaan waxbarashadda dugsiyada sare lagu barto, waxa kuugu diyaar ah macalimiin tayadooda aqoontu aad u sarayso kuwaas oo aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh u leh duruusta ay bixinayaan.

Shuruudaha looga baahan yahay Ardayga

  • Waa in uu ardaygu dhammaystay waxbarashadda heer fasalka 8-aad
  • Waa in uu ku gudbay darajooyinka (A,B,C)
  • Waa in ardaygu sitaa shahaadada dugsiga H/dhexe oo asalkii ah (Original)
  • Waa in uu diyaar u yahay; in uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay dugsiyada hoyga ah
  • Waa in uu ardaygu sitaa warqad muujinaysa xaaladiisa caafimaado oo dhakhtar soo cadeeyey
  • Waa ardaygu bedel ka soo qaataa xarunta waxbarashada gobolka uu ka imanayo
  • Waa in waalidka ardayga dhalay diyaar u yahay in uu bixiyo fee-ga sannadkii oo dhan $120 dollar

Haddaba, fursada qaaliga ah  hore u soo gaadh oo ha ka habsaamin, waxaanay is diwaangelintu ka bilaabmaysaa Xarunta Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska ee Gobolka Saaxil ee Berbera, taariikhdu marka ay taariikhdu tahay 20-26 bisha 9/2018-ka.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh cinwaanadan hoos ku xusan:-

Email: Reo@hotmail.com, digaale999@hotmail.com

Phone: 0634446375, 0634247770, 0634322205

Gudoomiye kuxigeenka Waxbarashadda iyo Sayniska G/saaxil

Xasan Maxamed Guuleed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here