OGAYSIIS

0
184

OGAYSIIS

(MOE&S-MEDIA OFFICE 19/9/2018). Wasaarada Waxbarashadda iyo Saynisku waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardaydayda danaynaysa ee haysta darjada (dhibcaha) ugu sareeya ee fasalada 8-aad ee dalka in la qaadi doono imtixaankii lagu galayey dugsiga sare ee SOS (Sheekh), kaasi oo ay qaadi doonaan dugsiga SOS, waxana imtixaankaasi dhici doonaa  maalinta khamiista ee ay taariikhdu ku beegan tahay;  27/9/2018-ka,  Waxana imtixaankaa lagu geli doonaa dugsiga H/Dhexe ee Sheekh Madar (EX- Xuseen Giire). Imtixaankan maadooyinka lagu qaadayaa waxay noqon doonaan; Saynis iyo xisaab. Sidaa darteed waxa lagu adkaynayaa ardayda danaynaysa ee haysta darajooyinka loo baahan yahay in ay wakhtiga ilaaliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here