SHIR AY WADA YEESHEEN WASAARADA WAXBARASHADDA IYO HA’ADAHA WADA SHAQAYNTA LA LEH OO LAGU QABTAY XARUNTA WASAARADAASI

0
41

(07/11/2000 MOE&S-Media Office) Shirkan oo bil walba ay wada yeeshaan Wasaarada Waxabarashadda & Sayniska iyo hay’adaha wada shaqaynta la leh, ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaarada waxbarashadda. Kullankan oo aalaaba lagaga arrinsado mashaariicda iyo qorshe-hawleedyada ay iska kaashadaan wasaarada waxbarashadda iyo sayniska ayaa kullankan maanta lagu lafo-gurey qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen; 1. Dib u eegis lagu sameeyey kulamadii ka horeeyey kan maanta iyo waxyaabihii hawlo la isku diray, kaas oo gudiyo la isku qaybiyey si hawlaha loo soo kala fududeeyo. 2. Dhammaystirka qorshe hawleedka mashruuca JRES, 3. In gudidda shirkan oo ka kooban madaxda wasaarada iyo hay’adaha looga xog-waramo wixii guulo laga gaadhay hawlihii la isku diray, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen mashaariicda SHF,GPE, HEIII, SOMGEP, ECW, EAC iyo kuwa kale.

  1. Sidoo kale, waxa la isla soo qaaday tuulada Dhumay ee koonfurta gobolka sool, halkaas oo ay beryahan-ba ka taagneyd colaad dhexmartay laba beelood oo walaalo ah iyo saamaynta ay ku yeelatay goobihii waxbarashadda iyo caruurtii halkaa ku sugnayd, 5. Waxa iyadana shirkaa lagu soo hadalqaaday duufaantii xeebaha Somaliland ku dhufatay ee Sagar iyo sida waxbarasho ahaan looga fal-celiyey, iyo qodobo kale oo tiro badan.

Shirkan waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir faratoon, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda Prof Maxamed Faarax Xareed, Gudoomiyayaasha Waxbarashadda heer Gobol, Saraakiil ka socotay hay’adaha UN-ka iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaarada Waxbarashadda.

Dhammaan ka soo qaybgalayaashu waxay xog-waran buuxa ka bixiyeen mashaariicda kala duwan ee ay ku hawlanaayeen mudooyinkan u danbeeyey iyo waxyaabihii u hirgalay. Sidoo kale waxa iyadana la isla meel dhigay hawlaha mashaariicda la qaban doono bishan soo socota iyo siddii si wada jir ah, loogu jawaab-celin karo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha xaaladaha waxbarashadda.

Wasiirka wasaarada waxabarashadda iyo sayniska Prof Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faratoon oo hadal kooban shirkaa ka soo jeediyey ayaa dhammaan hay’adaha ka soo qaybgalay shirkan uga mahadnqay sida xilkasnimada leh ee ay ula shaqeeyaan wasaarada waxbarashadda iyo sayniska, waxa kale oo uu xusay in ay wasaarad ahaan ka go’an tahay sidii ay u sii xoojin lahaayeen wada shaqaynta hay’adaha UN-ka kuwa Caalamiga ah iyo wadamada qaadhaanka bixiya, si horumar balaadhan looga gaadho waxbarashadda Somaliland.

dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashadu waxa uu shirkaasi ka sheegay in dhawaan qaadhaan bixiyayaasha Mashruuca GPE (Global Partnership for Education)  ay ka heleen lacag dhan shan iyo toban malyuun iyo labaatan kun oo doolar ($15020000), taasi oo wax lagaga qaban doono baahiyaadka kala duwan ee ay qabto waxbarashadda jamhuuriyadda Somaliland.

Mashruucan oo qaadhaan bixiyayaashu ku taageeraan waddamada heerkooda waxbarasho hooseeyo ayey Wasaarada Waxbarashaddu hore ugu guulaysatay Mashruucan GPE-ga kaasi oo qadarkiisu dhammaa 8 malyuun oo doolar, waxaana mashruucaa hore fulintiisa ku guulaysatay hay’ada Save Children International. Sidaa darteed wasiirku waxa uu ka codsaday ka qaybgalayaasha in ay cod gacan taag ah ugu codeeyaan hay’adii hore u waday ee Save Children in ay mashruucan labaadna sii wado. Dhammaan ka soo qaybgalayaasha ayaa mashruucaasi cod gacan taag ah ugu codeeyey in ay wejigan labaadna fuliso hay’adaasi.

Wasiirka wasaarada waxabarashadda Mudane Yaasiin X. Maxamuud ayaa ku sheegay sababta uu ku xushay hay’ada Save Children in ay tahay oo uu uga gol leeyahay sidii loo koobi lahaa kharashka maamulka mashruuca iyo hay’adan oo haysa xogihii iyo caqabadihii ka hor yimi mudadaa ay wadeen fulinta mashruuca GPE-ga wejigiisii kowaad. Waxa kale oo uu sheegay in wasaarad ahaana ku daba-geli doonaan hay’adan si ay u fuliyaan, hannaankii iyo qorshihii loogu talagalay mashruucan.

Gebegabadii shirkan ayaa waxa la isku diray hawlaha shirka danbe la iska xog waraysan doono. Waxa kale oo la isku adkeeyey in isku xidhnaan iyo wada shaqayn dheeri ah la muujiyo si loo gaadho ujeedooyinka waxbarasho ee u dejisan wasaarada waxbarashadda.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here