Shir Lagu Gorfaynayey Siyaasada Waxbarashadda Caafimaadka Somaliland Oo Lagu Qabtay Hotel Maansoor

0
216

Shir lagu gorfaynayey Siyaasada Waxbarashadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee magaalada hargaysa, shirkaasi waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faratoon, Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Axmed Muuse Muruud, Gudoomiyaha ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka Mudane Axmed Xaashi Oday, masuuliyiin ka socotay jaamacadaha bixiya aqoonta caafimaadka, saraakiil ka socday ururka Kings College iyo masuuliyiin kale.

Siyaasada waxbarashadda caafimaadka oo la soo bilaabay sannadkii 2012-kii waxa si wada jir ah uga soo shaqeeyey labada wasaaradood ee Caafimaadka iyo waxbarashadda, waxa iyaguna dhanka maalgalinta iyo farsamadaba ka caawinayey hay’ada TET iyo Kings College. Ujeedada arrintan ayaa ahayd sidii loo tayeyn lahaa mihnada caafimaadka si loo helo xirfadlayaal caafimaad oo tayeysan.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadashay Marwo Nuura oo ka mid ah Saraakiisha hay’ada caafimaadka ee TET, waxaanay ku dheeraatay muhiimada arrintani u leedahay qaranka iyo kaalintii ay ka hay’ad ahaan ku lahaayeen diyaarinta siyaasada waxbarashadda caafimaadka, iyada oo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi; maanta waxan u fadhinaa shaqo aad u balaadhan oo laga soo shaqaynayey ilaa iyo sannadkii 2012-kii, taasi oo ah sidii loo tayeyn lahaa dhakhaatiirta ay soo saarayaan jaamacadaha dalku.

Wasaaradda caafimaadka iyo waxbarashadu waxay mudooyinkaa ku hawlanaayeen sidii loo dejin lahaa siyaasada waxbarashadda caafimaadka taasi oo wax badan ka tari doonta dhanka tayada dhakhaatiirta soo baxaysa. Jaamacadaha hada bixiya aqoonta mihnada caafimaadku hada waa sagaal (9), sidaa darteed waxa diirada la saarayaa in la tayeeyo aqoonta ay bixinayaan jaamacadahaasi, waxyaabaha la eegayo waxa ka mid ah in ay u dhan yihiin dhammaan agabkii ay ardaydu wax ku baranayyeen haday tahay dhanka laabka iyo goobaha caafimadka ee ay ku qaadanayaan aqoonta caafimaadka. Waxan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii ka soo qaybqaatay siyaasadan, haatana waxay maraysaa meel wanaagsan oo u baahan in lagu dhaqmo waxaa la dejiyey oo sidaan filayo wax badan ka bedeli doona aqoonta dhakhaatiirta inoo soo baxaysa.

Gudoomiyaha Mihnadlayaasha caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; dalkeenu markii uu burburay wax waliba way inaga burbureen, waxyaabaha inaga burburay waxa iyaguna ka mid ah dhanka sharciyadaha iyo siyaasadaha waxbarashadda caafimaadka. Hadda siyaasad wanaagsan baan u dejinay waxbarashadda caafimadka sidaa darteed waa in lagu dhaqmaa oo cidda dhaafta waxa aan dhigano lagu ciqaabaa oo lagu dhaqmaa. Seddex arrimood ayaa siyaasadan ugu muhiimsan; in jaamacadaha tiradooda la yareeyo, ardayda jaamacadaha gelaysana ay garaydho sare ku galaan jaamacadaha iyo in la ilaaliyo sharcigaa aan dhiganay.

Agaasimaha Tacliinta Sare Mudane Axmed Muuse Muruud ayaa khudbad ka soo jeediyey shirkaasi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; shirkan aan maanta u fadhinaa waa barnaamij ku saabsan guud ahaan siyaasada waxbarasadda caafimaadka qaranka, waa shaqo dheer oo ay soo wada qabteen wasaaradaha waxbarashadda iyo caafimaadku taasi oo ay xaga farsamada ka soo caawiyeen hay’ada TET iyo Kings College. Hadafka siyaasadan laga leeyahay waxa weeye sidii loo tayeyn lahaa dhakhaatiirta ay soo saarayaan jaamacadaha dalku. Jaamacadaha bixiya aqoonta caafimaadku waa 9, sidaa darteed waxan rabnaa in la sii tayeeyo aqoonta ay dhigayaan jamacadahaasi. Siyaasadani waxay kala sifayn doontaa jaamacadaha caafimaadka bixiya, jaamacada buuxisa shuruudaha ay siyaasadani tilmaamayso waa la sii tayeyn doonaa ta buuxin weydana waa laga saari doonaa meesha.

Ugu danbayntii waxa shirkaasi soo gunaanaday wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin X. Maxmuud Xiir Faratoon, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo shirkan lagu soo gunaanadayo siyaasada waxbarashada caafimaadka Somaliland oo mudo badan soo socotay taasi oo ay si wada jir ah uga soo shaqeeyeen wasaarada caafimaadka iyo waxbarashadu. Waxan ku amaanayaa masuuliyiinta ka soo shaqeeyey siyaasadan kuwaasi oo runtii geliyey dedaal iyo karti badan.

Maanta waa illaahay mahadii mar haddii ay maanta soo gebogabawday, arrinta u weyni waa sidii loo hirgalin lahaa oo lagu hagi lahaa hay’adeheena. Way jirtaa burbur badan oo soo gaadhay guud ahaan hay’adeheena oo dhan mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahayba, caano daatay dabadood la qabaye waxa maanta inoo taala in dhan looga soo wada jeesto sidii siyaasadan loogu dhaqmi lahaa isla markaana cida buuxisana lagu abaalmariyo cidda aan buuxina meesha laga saaro.

Aad baan u soo dhaweynayaa siyaasadan iyo guud ahaan hay’adihii ka soo qaybqaatayba, haday tahay TET iyo Kings College. Arrinta noo taalaa waa in siyaasadan loo noqdaa marka ay noqoto barashadda mihnada caafimaadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here