W/W/WAXBARASHADDA & SAYNISKA AYAA SHIRKII GOLAHA WASIIRADA KA SOO JEEDIYEY HABKII AY U QAYBIYEEN DEEQDII WAXBARASHADDA EE DALKA ITOOBIYA.

0
439
Md. Yasin H. Mohamoud. w/w/waxbarashadda & Sayniska (Photo file)

Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa shirkii Golaha Wasiirada ee maanta (18/102018) kaga warbixiyey habkii iyo hannaankii Wasaarada Waxbarashaddu u qaybisey deeqdii waxbarasho ee dalka Itoobiya ugu deeqday Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu shirkaasi ku soo bandhigay jaantuska shaxda iyo saamiga gobolada Somaliland ka kala heleen deeqdaasi.

Deeqdaas oo ka koobnayd Seddex boqol oo arday (300), ayaa u kala baxaysey; laba boqol (200) oo ah waxbarashadda heerka kowaad  ee jaamacadaha (degree) iyo boqol arday (100) oo waxbarashadda heerka labaad ee jaamacadaha (master). Deeqdan ayaa sidoo kale iskugu jirtay kulliyado aad muhiim u ah oo dhammaanteed baahi weyn dalku u qabo.

Dhanka kale, wasiirku waxa uu ku dheeraaday in ay qaybinta deeqdaasi u mareen habkii ugu cadaalisanaa, taasi gobolada dalka oo dhan ay ka heleen saami lagu saleeyeey tirada ardayda ee gobol kasta ka soo baxday dugsiyadiisa. Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda ayaa kullankaasi ka sheegay in ay hadda ku hawlan yihiin siddii ay u dhoofin lahaayeen ardaydii ku guuleysatay deeqdaasi, waxaanu xusay in ay sida ugu dhakhsaha badan u bixi doonaan maalmahan soo socda.

Gebagabadii, wasiirku waxa uu dardaaran u soo jeediyey siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka tirada yar ee siyaasadaynaya arrimaha waxbarashadda in ay ka waantoobaan oo ay ardayda ka daayaan jahawareerka iyo wararka muhmalka ah ee ay warbaahinta u marinayaan. Waxaanu wasiirku sheegay in aanay waxbarashadu gelin arrimaha laga dayo siyaasada, sababata oo ah ardayda waxay ku keeni karaan werwer iyo walbahaar, taasi oo ka mashquulin karta hayaanka waxbarasho ee ay ku hawlan yihiin, sidaa darteed waxan ka digayaa in aan la siyaasadayn waxbarashadda.

HALKAN HOOSE KA FIIRI SHAXDA DEEQDA WAXBARASHADDA:-

No automatic alt text available.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here