WASAARADAHA WAXBARASHADDA IYO CAAFIMAADKA OO ADEEGYADA AAS’AASIGA AH SI RASMI AH UGU WAREEJIYEY QAAR KA MID AH DAWLADAHA HOOSE EE DALKA

0
225

Wasaarada waxbarashadda iyo sayniska iyo wasaarada horumarinta caafimaadka ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey dawladaha hoose adeegyada dugsiyada waxbarashadda aas’aasiga ah iyo rugaha caafimaadka ee degmooyinka; Berbera, Burco, Boorame, Gebilay iyo degmada hargaysa.

Mashruucan oo ka mid ah nidaamka maamul daadejinta ee lagu magacaabo JPLG kaasi oo Somaliland ay ka caawiyaan Midawga yurub ayaa ujeedkiisu tahay sidii loogu dhaweyn lahaa bulshada adeegyada aas’aasiga ah, sida waxbarashadda hoose, caafimaadka, biyaha, ammniga iyo garsoorka kuwaasi oo si tartiib-tartiib ah gacanta loogu gelinayo maamulkooda iyo ka warhayntooda maamulada dawladaha hoose si bulshadu u hesho maamul si dhakhso ah uga jawaaba baahiyaha ay u qabaan adeegyadaasi.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisey wasaarada waxbarashadda iyo saynisku ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada waxbarashadda Prof Yaasiin X Maxamuud Xiir, Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf, Agaasimaha Guud ee W/waxbarashadda iyo Sayniska Prof; Maxamed Faarax Xareed, Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo ah madaxa barnaamijka maamul daadejinta dawladaha hoose, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Axmed Nuur (cabdi gurey) iyo Maayarada magaalooyinka; Berbera, Boorame, Gebiley, Burco iyo Hargaysa.

Kullankan ayey wasiirada waxbarashadda iyo caafimaadku ku wareejiyeen maayarada adeegyadaasi, waxaana halkaa lagu kala saxeexday heshiisyada lagu wareejiyey adeegyadaasi. Ugu horeyn, waxa munaasibadaasi ka hadlay maayarada degmooyinkan lagu wareejiyey adeegyada aas’aasiga ah, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimada balaadhan ee ay arrintani u leedahay bulshada iyo sida ay dhankooda iskaga xil saari doonaan sii anbaqaadka iyo gudashada waajibaadka kaga aadan maamulka iyo mushaharsiinta shaqaalaha ka hawl-gala goobahaasi.

Dhanka kale waxay masuuliyiintaasi ku amaaneen wasaarada waxbarashadda iyo wasaarada horumarinta caafimaadka sida ku dhiirashada leh ee ay ugu soo daadejiyeen adeegyadan, waxaanay hoosta ka xariiqeen in arrintan ay ku dhaqaaqeen labadan wasaaradood tahay mid ku dayasho mudan, taasi oo looga baahan yahay in wasaaradaha kalena kaga daydaan wanaagaa ay sameeyeen.

Sidoo kale waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay madaxa barnaamijka maamul daadejinta Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, waxaanu si mug leh uga waramay kaalmihii iyo sooyaalkii uu soo maray mashruucan JPLG iyo guulihii ay gaadheen intii ay wadeen hawlaha maamul daadejinta, waxana hadaladiisii ka mid ahaa; mashruucan oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen waddamada qaadhaan bixiyayaasha iyo dalka Somaliland ayaa intii uu socday waxa uu keenay horumar balaadhan oo ay gaadheen degmooyinka lagu bilaabay, waxaanu noqday mid guul badan gaadhay.

Waxan kula dardaarmayaa maamulka dawlada hoose ee maanta lagu wareejinayo adeegyada waxbarashadda aas’aasiga ah iyo rugaha caafimaadka in ay dedaalkooda halkaa ka sii wadaan oo ay bulshada ugu adeegaan si hufnaan iyo masuuliyadi ku dheehan tahay. Sababta loogu wareejinayo adeegyadan dawladaha hoose ayaa daaran iyaga oo bulshada uga dhow dawlada dhexe isla markaana ogg baahiyaadka ugu waaweyn ee ay bulshadu tebayso.

Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Mudane Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay in waasarad ahaan iygu yihiin halka dawladaha hoose kaga xidhmaan dawlada dhexe, sidaa darteed ay shirkan uga soo qayb-galeen ka goob joog ahaan iyo kula xisaabtan waxaa lagu heshiiyey. Dhanka kale agaasimuhu waxa uu wasaaradaha maamul daadejinta sameeyey ku amaanay talaabadaa ku dayashada mudan ee ay ku dhaqaaqeen. Sidoo kale waxa uu dawladaha hoose iyagana kula dardaarmay in ay si xilkasnimo ah u gutaan waajibaadkaa ay qaadeen.

Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka ayaa isaguna halkaa ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa taasi oo uu ku hogo-tusaaleeyey habsami u socodka nidaamka maamul daadejinta iyo sida ay wasaarad ahaan ugu dhiiradeen in ay adeegyada wasaaradaasi qaarkood ugu daadejiyeen dawladaha hoose si loogu dhaweeyo bulshada baahida caafimaad ee ay qabaan. Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu ku bilabay; in kasta oo aan adeegyadii wasaarada qaarkood u daadejinay, haddana weli lama gaadhin halkii loo baahnaa, sababta oo ah weli awood buuxda maanaan siinin isku duwaha noo jooga gobolada. Weli anaga ayaa magacawna agaasimaha dhakhtarka halkii uu isku duwuhu masuuliyadaa u yeelan lahaa, taasina waa khalad weli ku jira habka maamulka dawladeed. Mustaqbalka dhow waxan damacsanahay in aan awood buuxda siino iskuduwayaasha gobolada si ay uga jawaabaan baahiyaadka arrimaha bulshada ee dhanka caafimaadka ah.

Ugu danbayn wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa kullankaasi soo afmeeray, waxaanu ka jeediyey khudbad dardaaran iyo dhiirigelin iskugu jirta waxaanu hadalkiisa ku bilabay; waxan aad ugu faraxsanahay in aan maanta halkan si rasmi ah ugu wareejiyo adeega waxbarashadda aas’aasiga ah ee dugsiyada hoose kuwaasi oo aan in mudo ah si ku meel gaadh ah ugu wareejinay dawladaha hoose ee Burco, Berbera, Boorame iyo Gebilay. Ka dib markii aan aan aragnay faa’iidooyinka balaadhan ee ay keentay arrintaasi waxan maanta halkan iyadana ku soo kordhinay degmooyinkaa hore noola soo shaqeeyey degmada hargaysa si aan u sii balaadhino maamul daadejinta adeega waxbarashadda aas’aasiga ah.

Waxan maayarada degmooyinkan kula dardaarmayaa in ay si hufan u gutaan waajibkaa iyo xilkaa la saaray, dhanka kale waxan u soo jeedinayaa degmooyinka qaar tabashooyin baan ka qabnaa habkii iyo hannaankii lagu heshiiyey in weli wax ka dhiman yihiin, sidaa darteed waxan dalbanaynaa in aan arrintaa iska aragno oo ay naga qanciyaan waxa aan tabanayno, sababta oo ah waxa naga saaran masuuliyad dhanka waxbarashadda, sidaa darteed yaan dhib loo arkin haddii aan ka dalbano in ay na fahamsiiyaan habka wax u socdaan.

Ugu danbayn waxay wasiirada wasaaradaha waxbarashadda iyo caafimaadku la saxeexdeen maayarada magaalooyinkaasi heeshiiska lagu wareejinayo adeegyada waxbarashadda aas’aasiga ah iyo caafimaadka.

Diyaarintii; Mowliid Cumar Kibaar

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here