WASIIR KUXIGEENKA WASAARADA WAXBARASHADDA OO LA KULMAY MADAXA HAY’ADDA “ASIC” EE WADDANKA INGIRIISKA U QAABILSAN DHANKA WAXBARASHADDA

0
127

Wasiir Kuxigeenka wasaarada waxbarashadda Mudane C/qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed oo socdaal shaqo ku jooga wadanka Ingiriiska ayaa kulan la yeeshay madaxa hay’ada ASIC Mudane Maurice Dimmock, waxaanay wasiirka iyo madaxa hay’adani ka wada hadleen sidii ay caawimo uga geysan lahayd hay’adani waxbarashada Somaliland. hay’adan oo ah mid madax banaan oo dalka ingiriiska u qaabilsan horumarinta iyo kor u qaadka arrimaha waxbarashadda, sidoo kale waxay hay’adani caawimooyin ka geysataa waxbarashadda waddamada soo koraya.

Ka dib kullan saacado badan qaatay oo ay wada yeesheen waxay masuuliyiintanu isla garteen in la sii xoojiyo wada xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal eek u wajahan dhanka waxbarashadda, waxaanu madaxa hay’adani ballanqaaday in uu Somaliland la shaqayn doono. Dhanka kale wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudan Cabdulqaadir Maxamuud Sh Muxumed waxa uu marti-qaad u fidiyey madaxa u Sareeyey hay’adan ASIC Mudane Maurice, waxaanu ka aqbalay masuulkani martiqaadkaa rasmiga ah ee uu u fidiyey wasiir Cabdulqaadir, waxaanu dhawaan ku iman doonaa booqasho rasmi ah oo uu ku indha-indheyn doono meelaha ay Somaliland ka caawin karaan ee dhanka waxbarashadda ah.

Guud ahaan kulan kan ayaa ahaa mid guul iyo is afgarasho ku soo dhammaaday, wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashadda oo aan khadka tilifoonka kula xidhiidhay ayaan wax ka weydiiyey shirkan iyo waxyaabaha laga filan karo ee uu ku soo kordhin karo la xidhiidhka hay’adan ASIC, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; runtii kulankani waxa uu ahaa mid taariikhi ah oo aan la yeeshay madaxa ugu sareeya ee hay’ada ASIC mudane Maurice, waa hay’ada dhanka waxbarashadda u qaabilsan dalka inigiriiska waxanan ka filaynaa in ay wax badan naga caawiso, waxaanay dhawaan dalka ku iman doonaan booqasho rasmi ah oo aanu u fidinay, waxaananu isla eegi doonaa bal meelaha ay naga caawin doonaan, ka wasaarad ahaan dalku baahiyo badan oo waxbarasho ayuu qabaa laakiin waxan u samayn doonaa muhiimado iyo sida ay u kala mudan yihiin. Waxan diirada saari doonaa bal sidii aan u tayeyn lahayn waxbarashadeena haday tahay dhanka kor u qaadka aqoonta macalimiinta iyo haddii ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha macalinka wax dhigaya labadaba. Guud ahaan kulankaasi iyo kulamo kale oo aan la yeelanay madaxda waxbarashada ee dalka UK waxa uu noogu soo dhammaaday guul, marka aan dalka ku soo guryo noqonana waan sii faahfaahin doonaa waxyaabahaa aan kala soo kulanay intii aan joognay dalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here