WASIIRKA W/W&S AYAA SOO XIDHAY SHIRKII DIB U EEGISTA QORSHAYAASHA WAXBARASHADDA SOMALILAND

0
213

Wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Prof; Yaasiin X.Maxamuud ayaa soo xidhay shirkii 4-aad ee dib u eegista qorshaha waxbarashadda Somaliland, kaasi oo mudo laba maalmood ah ka socday hudheelka Ambassador ee magaalada Hargays. Shirkaasi oo ay ka soo qaybgaleen; Gudoomiyayaasha waxbarashada ee heer gobol, agaasime waaxeedyada wasaarada waxbarashadda, masuuliyiinta hay’adaha UN-ka, Midawga Yurub, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan madaxda sare ee wasaarada waxbarashadda. Shirkan waxa lagu lafaguray mudadii uu socday waxyaabihii ka hirgalay qorshayaashii shantii sanno ee hore wixii ka hirgalay iyo waxyaabihii aan qabsoomin iyo sidii wax looga baran lahaa caqabadihii jirey si loo daboolo qorshaha shanta sano ee danbe.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee W/Waxbarashadda iyo sayniska Prof; Maxamed Faarax Xareed waxaanu ka xog-waramay shirkaasi iyo hawlihii ay isla meel dhigeen mudadii labada maalmood ahayd ee uu shirku socday. Sidoo kale agaasimuhu waxa uu mahadnaq balaadhan u diray dhammaan xubnihii iyo hay’adihii ka qaybqaatay qabsoomida shirka.
Isaga oo arrimahaasi iyo kuwa kale ba ka hadlaya waxa uu ku bilaabay; Mudane wasiir mudadii aanu halkan joognay waxan ka doodnay dhammaan qodobadii noo astaysnaanaa. Dood dheer ka bacdi waxan isla meel dhignay dejinta iyo qorshaynta dhammaan hawlahaasi. Dhanka kale waxan mahadnaq balaadhan u dirayaa dhammaan xubnihii shirkan kaalinta muhiimka ah ka qaatay kuwaasi oo ay ugu horeeyaan Prof: Cabdiraxmaan Sh. Axmed Cige, Maxamed Hilaw Isaaq, iyo dhammaan xubnaha shirkan isku soo dubariday kuwaasi oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska. Sidoo kale waxan u mahadnaqayaa hay’ada GIZ oo shirkan maalgelisay iyo dhammaan hay’adaha kale ee ka soo qaybgalay shirkan.
Ugu danbayn, wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska mudane Yaasiin X Maxamuud (Faratoon) ayaa shirkaasi soo gebagabeeyey shirkaasi waxaanu halkaa ka soo jeediyey khudbad uu ugu mahadnaqay dhammaan ka qaybgalayaashii iyo masuuliyiintii fakarka iyo wakhtigoodaba ugu deeqay dejinta iyo dib u eegista qorshaha waxbarashadda Somaliland.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu ku bilaabay; waxa ii farxad ah in aan idiin soo xidho shirkan balaadhan ee aan dib ugu eegaynay qorshaha waxbarashadda qaranka. Aad baan ugu farxay markii aan arkay sida quruxda badan ee aad uga qaybqaadateen hawshan. Ujeedada ugu mudnayd ee shirkanina waxay ahayd sidii aan u xoojin lahayn tayada waxbarashada, hadday tahay dhanka dugsiyada barbaarinta caruurrta, dugsiyada hoose/dhexe, farsamada gacanta iyo dhammaan rukumada wasaarada waxbarashadda. Waxan farayaa dhammaan masuuliyiinta iyo hawlwadeenada waxbarashadda in ay qorshahaa ka go’aan qaataan oo ay hawlaha aan qabanayno ku salayno. Dhanka kale waxa iyaduna muhiim ah in aan ku dhaqano qodobada iyo afkaarta waxtoosinta ah ee aad soo jeediseen si loo saxo qaladaadkii jirey. Waxan sidoo kale u mahadnaqayaa dhammaan masuuliyiinta hay’adaha caalamiga ah ee nagala shaqeeya waxbarashadda. Waxan tixgelin doonaa soo jeedintaa ay ka hadashay madaxa mudawga yurub Marwo ALEX, taasi oo aan u arkay fikir wanaagsan oo waxbadan toosin kara, waanay ku mahadsan tahay soojeedintaa iyo amaantaa ay noo soo jeedisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here