WASIIRKA WASAARADA WAXBARASHADDA IYO SAYNISKA AYAA KULAN LA QAATAY MAAMULKA WAXBARASHADDA GOBOLKA SOOL

0
92

Wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo todobaadkii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay magaalo madaxda gobolka sool ee laascaanood ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mid ah dugsiyada dawliga ah ee magaalada laascaanood, sidoo kale wasiirku waxa uu kulan xog-waraysi ah la yeeshay gudoonka waxbarashada gobolka iyo shaqaalaha ka hawl-gala xaruntaasi.

Wasiirka waxa warbixin ka siiyey hawlaha waxbarasho ee gobolka gudoomiyaha waxbarashadda gobolkaasi mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; mudane wasiir kusoo dhawow xarunta maamulka gobolka sool iyo shaqaalihiisaba. Wasiir hadda waxa noo bilaamay imtixaanadii nakhliga ahaa, dhawaana waxa bilaami doona bisha lixaad horaanteeda sidii xafiiska imtixaanaadka qaranku shaaciyey, imtixaanadii shahaadiga ahaa ee fasalada 8-aad iyo fasalada 4-aad ee dugsiyada sare. Wasiir baahiyaha noogu waaweyn ee ka jira gobolka waxa ugu horeeya xarunta oo u baahan dib u dhis iyo habayn, waayo dhismuhu waxa uu noqday mid duug ah oo aan lagu shaqayn Karin, qorshayaal aan anagu hayno oo aan ku dhisi karnana waan haynaa, idinkuna waxa aad nagu soo kordhin kartaan waan idinka sugaynaa.

Ugu danbayn wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska mudane yaasiin xaaji maxamuud xiir ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay in ay isla lafaguri doonaan baahiyaha waxbarasho ee gobolka ka jira guud ahaan, waxa kale oo wasiirku sheegay in maamulka gobolka sool looga baahan yahay in ay xoojiyaan maamulka dugsiyada waxbarashadda, mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahay ba, waxaanu xusay in ay mideeyaan xilliyada fasaxyada dugsiyada iyo manhajkaba. Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in dhawaan wasaardu bilaabi doonto tababarka macalimiinta, isla markaana macalinka aan aqoontiisu gaadhsiisnayn heerka uu dhigayo in la ruqsayn doono ka buuxiya shuruudahana la sii tayeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here