WASIIRKA WASAARADA WAXBARASHADDA IYO SAYNISKA AYAA XAFIISKIISA KU QAABILEY WEFTI BALAADHAN OO KA SOCDAY HAY’ADA CAAWIMOOYINKA EE DALKA KUWAIT

0
218

Wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud oo uu wehelinayo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada waxbarashadda Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed ayaa xarunta wasaaradaasi ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday hay’ada caawimooyinka dibada ee dalka Kuwait taasi oo lagu magacaabo Al-raxma Al-caalamiya, waxana weftigaasi hogaaminayey madaxa hay’adaasi oo lagu magacaabo Sacad Al-cuteybi. hay’adan ayaa dalka ka hirgalisey dugsiyo waxbarasho kuwaasi oo ay wax ka bartaan isla markaana hoy u ah ardayda reer Somaliland ee Agoomaha ah

waxa kale oo weftigan wehelinayey madaxa hay’adaasi u qaabilsan dugsiyada iyo caawimooyinka kale ee ay Somaliland ka hirgaliyaan Mudane Guure, waxaanay wasiirka ugu warameen hawlaha ay u socdaan iyo mashaariicda ay doonayaan in ay ku soo kordhiyaan kuwii ay hore uga hirgaliyeen qaar ka mid ah gobolada Somaliland. weftigu waxay wasiirka u soo bandhigeen dugsiyo iyo mashaariic ay doonayaan in ay ku fidiyaan guud ahaan gobolada Somaliland si ay u caawiyaan ardayda agoonta ah iyo qoysaska dan yarta ah ee geyiga Somaliland

Wasiirka wasaarada waxbarashadda ayaa isaguna dhankiisa si diiran ugu soo dhaweeyey xafiiskiisa waxaanu uga mahadnaqay booqashada ay Somaliland ku yimaadeen iyo hawlaha ay doonayaan in ay ka fuliyaan, waxaanu wasiirku u sheegay weftigaasi in ay  wasaarad ahaan iyo qaran ahaanba aad ugu faraxsan yihiin taakulada iyo caawimada ay siiyaan dal weynaha reer Kuwait si ay dalkooda reer Somaliland u caawiyaan, waxaanu wasiirku weftiga u balanqaaday in si kal iyo laab ah ay ula shaqaynayaan isla markaana u soo dhaweynayaan deeqaha kala duwan ee ay taraan Somaliland.

Weftigu dhankooda waxay ka mahad celiyeen sida milgaha iyo sharafta leh ee loogu soo dhaweeyey wasaarada waxbarashadda iyo guud ahaan dalka Somaliland ba, waxaanay balanqaadeen in ay sii xoojin doonaan cilaaqaadka iyo mashaariicda waxbarasho ee ay Somaliland ka fuliyaan. Dhanka kale waxa lagu balamay in kulamo kale oo dheeraad ah la wada yeesho si loo hirgaliyo hawlaha ay weftigu u socdaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here