Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda Oo Soo Xidhay Tababar Ku Saabsan Habka Maamulka Macluumaadka Waxbarashadda (EMIS)

0
107

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa soo xidhay tababar ku saabsan habka maamulka macluumaadka waxbarashadda, kaasi oo ka socday hudheelka Ambasador mudo todobaad ah. Tababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen waaxda qorshaynta ee wasaaradda waxbarashadda ayaa ka mid ah mashruuca Horumarinta Cilmiga II, kaasi oo midawga Yurub ku caawiyeen waxbarashadda Somaliland iyaga oo u soo mariyey hay’ada NRC oo fulintiisa leh.

Tababarkan oo ay qaadanayeen 23 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda ayaa waxa halkaasi ku qaateen casharo ku saabsan habka iyo hanaanka loo kaydiyo macluumaadka khuseeya waxbarashadda, waxana duruustaasi bixinayey khabiir ay hay’ada NRC uga keentay waddanka debadiisa kaasi oo lagu magacaabo Isaq Abrahama. Sida ay cadeeyeen qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha tababarkani waxa uu noqon doonaa mid wax weyn ka bedela nidaamka waxbarashadda kaasi oo ku soo kordhin doona faa’iidooyin badan oo ay ku go’aan qaadan doonaan  madaxda wasaaradu.

Ugu horeyn waxa halkaa ka hadashay madaxa xog ururrinta iyo tignoolajiyada ee waaxda qorshaynta ee wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Marwo Ubax Maxamed Ducaale waxaanay hadalkeeda ku bilawday; banaamijkan aan maanta u fadhinaa waa waa mid cusub oo lagu dardar-galinayo guud ahaan waxbarashadda Somaliland oo dhan, waxana lagu baranayaa habka iyo hanaanka loo keydiyo macluumaadka waxbarashadda si mustaqbalka loogu go’aan qaato, xubnaha qaadanayaana waxay iskugu jiraan kuwo cusub iyo kuwii hore. Barnaamijkani waxa uu ku soo kordhin doonaa waxqabad muuqda oo dhanka horumarka waxbarashadda ah.

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha waaxda Qorshayn ee wasaarada waxbarashadda Mudane Axmed Cumar Quule waxaanu hadalkiisa ku bilaabay;  barnaamijkani waxa uu ka jawaabi doonaa baahiyaha kala ah; halkee u baahan in dugsi laga dhiso, dugsiga u baahan in la dayactiro, tirada fasalada iyo guud ahaan dugsigaba. Sidoo kale barnaamijkani waxa uu wax badan ka tari doonaa habka kobcinta iyo kor u qaadka tayada nidaamka waxbarashadda, sababta oo ah marka xog la helo ayaa talo la helaa baa la yidhi.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay C/naasir Cali Sahal oo ka mid ah saraakiisha hay’ada NRC oo mashruucan hirgalintiisa lahayd, waxaanu si qoto-dheer uga hadlay habka iyo hanaanka loo soo ururriyo xogta ku saabsan waxbarashadda iyo nidaamka loo keydiyo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; tababarkani waxa uu ku saabsanaa habka maamulka xogta waxbarashadda kaasi oo loo soo gaabiyo (EMIS), waxana qaadanayey shaqaalaha wasaarada waxbarashadda kuwaasi oo ka kooban 23, waxaanay ka kala socdeen waaxda ka shaqaysa xogta waxbarashadda ee qorshaynta iyo qaar ka mid ah waaxa kale ee wasaarada.

Nidaamkan xogta loo soo ururriyo isla markaana loo keydiyaa waa mid caalami ah oo ay isticmaalaan waddamada badankoodu, waxaana looga gol-leeyahay si loo helo xog rasmi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed waxa muhiim noqotay in aan wasaarada waxbarashadda kala shaqayno isla markaan ku tababarno shaqaalahan. Waxan shaqaalahan tababarka qaatay ka rejaynaynaa in ay ka faa’iideeyaan aqoontaa la baray si mustaqbalka wasaaradu u horumarto.

Ugu danbayn waxa shirkaasi si rasmi ah u soo xidhay wasiirka wasaarada waxbarashadda Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, waxaanu ku dheeraaday muhiimada tababarkani u leeyahay guud ahaan waxbarashada iyo sida loogu baahnaa in loo tababaro shaqaalaha wasaarada waxbarashadda waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; haddii aynaan helin xog dhab ah oo lagu go’aan qaato waxba qaban kari mayno, sidaa darteed waxan dhiirigalinayaa in la joogteeyo tababarada noocan oo kale ah.

Waxan shaqaalahan tababarka qaatay kula dardaarmayaa in ay aqoontaa ay barteen ku fuliyaan hawl-maalmeedka xafiiska xog ururrinta si loo helo xogaha dhabta ah ee ka jira waxbarashadda dalkeena. Dhanka kale waxan hay’ada NRC iyo khabiirka aqoontan bixinayeyba uga mahadnqayaa tababarkan muhiimka ah ee ay siiyeen shaqaalaha waxbarashadda, shaqaalaha qaatayna waxan ka rejeynayaa in ay ku camal falaan aqoontaa la siiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here