Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Ayaa Soo Xidhay Shir Lagaga Hadlayey Mashaariicdda Waxbarashadda Somaliland

0
293

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa soo xidhay shir ay wada lahaayeen hay’adaha wada shaqaynta la leh wasaaradda waxbarashadda, kaasi oo mudo laba maalmood ah ka socday hudheelka Ambassador ee magaaladda hargaysa. Shirkaasi oo dib la iskula eegayey mashaariicda waxbarasho ee ay hay’addaha caalamiga ahi ka wadaan guud ahaan goboladda Somaliland kuwaasi oo ay maalgaliyaan midawga yurub, waxaana shirkan ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi, wakiilka Midawga yurub u qaabilsan dhanka mashaariicda marwo Alex, madax ka socotay hay’adaha qaramadda midoobay, kuwa caalamiga ah iyo madaxda waaxaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare.

Ka dib falanqayn dheer oo ay ka soo qayb-galayaashu ka geysteen shirkaasi waxa gunaanadkii munaasibadaasi hadalo ka soo jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashadda mudane Axmed Abokor Maxamed, waxaanu ka warbixiyey shirkaasi mudadii labada maalmood ahayd iyo waxyaabihii u qabsoomay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; ugu horeyn waxan u mahadnaqayaa ka soo qayb-galayaasha shirkan oo runtii mudadii ay halkan joogeen macluumaad badan iyo xogo badan ay qabteen nala wadaagay, waxaanay dhab ahaantii muujiyeen dhabar adayg badan si looga gun gaadho dedaalka baaxadda leh ee aan ugu jirno horumarinta iyo tayeynta waxbarashadda Somaliland. Mudane wasiir kullankani waxa uu ahaa mid muhiimadiisa leh sababta oo ah waxan ku ogaanay mashaariicda waxbarashadda ee dalka ka socda iyo faa’iidooyinka ay keeneen, sidoo kale waxa iyadana meesha aan ka maqnayn dib u dhacyadda ku yimi mashaariicda qaarkood, waxan ka soo qayb-galayaasha isla qaadanay in la dardargaliyo mashaariicda waxbarasho ee jira.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ayaa shirkaasi soo af-meeray waxaanu ka soo qayb-galayaasha uga mahadnaqay sida ay ugu dhabar-adaygeen mudadii ay halkan joogeen. Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare oo arrimahaa iyo kuwa kale ka hadlayaana waxa uu yidhi; waxan idinka mahad-celinayaa sida aad shirkan uga qayb-qaadateen isla markaana aad xogo badan nala wadaagteen. Waxan soo jeedinayaa in shirarka noocan oo kale ah ee aynu had iyo jeer wada yeelano laga sameeyo keyd qoraal ah oo xambaarsan xogaha shirarkaasi, si mustaqbalka aan uga tagno wax waara oo lagu go’aan qaato. Dhanka kale dedaaladii aynu samaynay ee isku dayga ahaa kumaynaan khasaarin, waxan ku guulaysanay in dugsiyaddii farsamadda gacanta burco iyo hargaysa la furo, dhawaana waxa dalka imanaya wefti ka socda dawladda jarmalka kuwaasi oo si buuxda u dhisi doona dugsiga farsamadda gacanta ee magaaladda burco. Mustaqbalka waxan higsanaynaa in aan furno jaamacado dhanka farsamadda ah kuwaasi oo waxbadan ka badali doona dhaqaalaha iyo baahiyaha dalkeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here