Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic laga hirgaliyey Dugsiga Beeraha Ee Magaaladda Beer Qaar Kalena Dhagax Dhigay

0
367

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic laga hirgaliyey Dugsiga Beeraha Ee Magaaladda Beer Qaar Kalena Dhagax Dhigay

dsc_7905(MOE-Media) Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa xadhiga ka jaray dhisme hoy u noqon doona dugsiga lagu barto Culuunta Beeraha, dugsigaasi oo ku yaala magaaladda beer oo ka tirsan Gobolka togdheer ayaa ah dugsiyadda taariikhiga ah ee ay Somaliland leedahay kaasi oo dib loo yagleelay dhawaan. Dugsigan ayey wax ka qabashaddiisa ku hawlanaayeen mudooyinkii u danbeeyey ba Dr Axmed iyo haweenaydiisa Marwo khadiija oo iyadu u dhalatay wadanka jarmalka.

dsc_7982Wefti ka kooban wasiirka wasaaradda waxbarashadda, wasiirka Macdanta iyo tamarta, Badhasaabka gobolka togdheer, wasiiru-dawlaha wasaaradda waxbarashadda, Agaasimaha tacliinta sare, maamulka magaaladda beer iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa ka soo qayb galay munaasibad dugsigaasi lagu qabtay isla markaana xadhiga lagaga jaray dhismaha hoyga ah ee uu yeelan doono dugsigaasi. Sidoo kale waxa halkaasi uu kaga dhawaaqay maamulaha dugsigaasi in ay qaadanayaan 30-kii arday ee ugu horeeyey ee u hoyan doono waxna ka baran doona dugsigaasi. Ardaydaasi oo ka kala iman doonta dhammaan goboladda Somaliland si dugsigu aanu u noqon mid gobolka togdheer oo qudha ku kooban.

dsc_7954Ugu horeyn waxa dugsiga iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo halka uu maanta marayo ka war bixiyey Dr Axmed oo isagu dib u yagleelay dugsigan, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi; dugsigu waxa uu soo maray marxalado badan oo mid waliba waayeheeda lahaa kuwaasi oo aakhirkii keenay in aan ku guulaysano in aan dib u kicino. Waxan mahad gaar ah u soo jeedinayaa qurbe jooga dalka oo iyaguna aad ii garab istaagay qaarkoodna dhiiri galin i siiyeen, waxan sidoo kale mahad gaar ah u soo jeedinayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane oo runtii aad u fahansan qiimaha iyo qaayahay uu leeyahay dugsigani si weyna noo garab istaagay isla markaana gacan laxaadle ka gaystay.
dsc_8075Sidii qorshuhu ahaa dugsigan oo ardayda dhiganaysa laga qaadi lahaa lacag dhan 45 doolar ayaa wasiirka wasaaradda waxbarashaddu markii uu tixgaliyey baahida dhaqaale ee jirtay awgeed uu wasaarad ahaan balan qaaday in uu gartay in ay bixiyaan dhaqaalahaasi laga rabay ardayda, wasiirka oo arrimahaasi iyo kuwa kaleba ka hadlaya waxa uu yidhi; waxa maanta noo sharaf ah aniga iyo weftiga ila socdaba in aan soo booqano dugsigan qiimaha leh ee beer kaasi oo wax muuqda ku soo kordhin kara Somaliland dhaqaaleheeda.

dsc_7939Ummaduhu waxay ku kala horumareen hadba sida ay aqoon u bartaan isla markaan ay ugu maareeyaan duruufaha dhaqan dhaqaale ee ka jira dalkooda, sidaa awgeed waxa ka go’an wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare in la furo isla markaan kor loo qaado dugsiyadda farsamadda culuunta beeraha iyo xoolaha kuwaasi oo dalkeenu hodan ku yahay, nin waliba waxa uu haysto ayuu ku faanaa sidaa darteed waa in aan xooleheena, beerah iyo kheyraadka kale ee illaahay ina siiyey daryeelnaa oo hagaajisanaa, sida kaliya ee lagu hagaajin karaana waa iyada oo la barto cilmigii lagu maarayn lahaa, dugsigani waxa uu ka mid yahay dugsiyadda taariikhiga ah ee dalkeenu leeyahay waana mid loo baahnaa in mar horeba la kiciyo si uu nolosheena wax uga badalo.

dsc_7998Waxan mahadnaq gaar ah u soo jeedinayaa Dr Axmed oo ah muwaadin u dhashay Somaliland kaasi oo xil weyn iska saaray sidii dugsigani u hawl gali lahaa, waanu ku guulaystay oo maantaba waynagaa joogna ee xadhiga ka jarayna mashaariic ay ka hirgaliyeen, nin kasta oo nolosha guul ka gaadha waxa garab taagan marwo qiimo leh sidaa awgeed waxan iyadana u mahadnaqayaa xaaskiisa marwo khadiija oo iyaduna gacan weyn ka gaysatay dib u yagleelka dugsigan.
dsc_7992Waxan maanta halkan ka sheegayaa in wasaarad ahaan aan bixin doono dhaqaalihii laga rabay ardayda gali doonta dugsigan kaasi oo ahaa ardaygiiba 45 doolar oo sanadkii noqonaysa 16000-kun oo doolar, dhaqaalahaasi oo talagalkiisu ahaa sidii hawlaha dugsiga loogu wadi lahaa waxan garanay in aan culays la saarin ardayda oo ka kala iman doonta dhammaan goboladda Somaliland, hadaba si aan u dhiiri galino in dugsigan lagu soo hirto waxan bixinaynaa dhaqaalahaasi ardayduna bilaash bay ku dhiganayaan, waxana waxbarashadda u dheer cuntadii iyo jiifkii oo iyaguna bilaash ah.

dsc_8033Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo tamarta ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxana hadaladiisii ka mid ahaa; runtii farxad gaar ah bay ii tahay in aan dugsigan soo booqano si aan uga qayb galno mashaariicda xadhig ka jarista iyo dhagax dhiga ah ee lagu soo kordhiyey dugsigan. Dugsiyadan oo kale waxay kor u qaadayaan in dalkeenu gaadho isku filaansho dhanka cuntadada iyo hilibka ah. Dadkeenu maaha kuwa tiro ahaan badan waxa ku filaan kara mashaariic beero ah oo laga hirgaliyo wajaale iyo beer oo kaliya, haddii aan qiyaaso dalkeena cuntada ku filaan karta waxa dabooli kara 6 beerood oo ku yaala dalka maraykanka waxa ay soo saaraan, halkaa waxad ka garan kartaa wax soo saarka dhanka beeraha halka uu dalkaasi ka gaadhay.

dsc_8024Badhasaabka gobolka togdheer Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo tire ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay mashaariicda ka socota gobolkiisa ee uu ugu horeeyo dugsigan beeraha ee beer, waxaanu amaan badan u soo jeediyey qurbe jooga gobolka togdheer oo iyagu ah qaar u tafa-xaytay horumarinta dhulkooda hooyo. Sidoo kale waxa uu badhasaabku u mahad naqay Dr Axmed iyo xaaskiisa khadiija oo dugsigan dadaal dheeraad ah ku bixiyey.

dsc_8114Waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashadda, Agaasimaha tacliinta sare, wax garadka magaaladda beer iyo masuuliyiin kale  waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimadda dugsigani u leeyahay qaranka jamhuuriyadda Somaliland iyo sida uu guud ahaan wax uga badali doono nolosha iyo habka ay wax u beetaan iyo nidaamka ay xoolaha u dhaqaan intaba.

dsc_8084Ugu danbayntii weftigu waxay xadhiga ka jareen dhismihii lagu kordhiyey dugsiga kaasi oo noqon doona hoy ay seexdaan ardayda wax ku baranaysa dugsigan, qolalka jiifka ee ardaydu seexan doonto ayaa midkood loogu magac daray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda mudane Cabdilaahi Dheere. Sidoo kale weftigu waxay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhisme lagu keydin doono siidhka goboladda bari ee Somaliland oo dhan kaasi oo si casri ah loo dhisi doono isla markaana siidhka la dhigaa mudo dheer aanu waxba noqonayn, halka ka goboladda galbeedna laga dhisi doono magaaladda gabilay ee gobolka gabilay kaasi oo isaguna goboladaasi siidhkooda lagu kaydin doono.

dsc_8091dsc_8111dsc_8167dsc_8134

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here