WASIIRKA WASAARADDA WAXBARASHADDA IYO SAYNISKA OO SII SEGOOTIYEY ARDAYDII KU GUULAYSATAY DEEQDA WAXABARASHADDA DALKA ITOOBIYA

0
84

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Prof. Yaasiin X. Maxamuud Xiir oo ay wehelinayeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sh Muxumed, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda Prof. Maxamed Faarax Xareed, Agaasimaha Tacliinta Sare Mudane Maxamed Muuse Muruud, Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Mudane Daa’uud Axmed Faarax iyo Af-hayeenka Wasaaradaasi Mudane Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan ayaa sii segootiyey Dufcadii ugu horeysay ee ardayda ku guulaysatay deeqda dalka itoobiya siisay Somaliland kuwaasi oo saaka ka dhoofay madaarka Cigaal ee Magaalada Hargaysa.

Madaxda Wasaaradda Waxbarashadda oo uu hor kacayo Wasiirka wasaaradda waxbarashaddu ayaa intii aanay ardaydu ka dhoofin garoonka diyaaradaha, waxay halkaasi ugu qabteen munaasibad dardaaran iyo dhiirigelin iskugu jirtay taasi oo ku wajahnayd sidii ardaydu dedaalkooda u sii labanlaabi lahaayeen, si ay guul uga gaadhaan hayaanka waxbarasho ee ay ka bilaabi doonaan jaamacadaha dalka Itoobiya. Tirada ardayda maanta dhoofaysay oo dhammayd 150 arday oo kala baxay gelinkii hore iyo gelinkii danbe ee maanta oo ay taariikhdu ahayd 29/10/2018-ka,  waxa kaxeeyey oo safarkooda ku wehelinayey wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashadda mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sh Muxumed si uu ugu soo hubsado jaamacadaha kala duwan ee ay tegi doonaan.

Ugu horeyn waxa ardayda dardaaran u soo jeediyey Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; waxan idinkula dardaarmayaa in aad ilaalisaan dhaqanka iyo diinta islaamka ee aad huwan tihiin, waxa kale oo aan idinkula dardaaramayaa in aad iska ilowdaan moobilada iyo ku mashquulkooda, waxad isticmaashaan maskaxdiina iyo garaadka illaahay idinsiiyey. Kolay labeentii dalka ayaad tihiine waa in aad dalkeena iyo waxbarashaddeena u noqotaan muunad lagu majiirto. Waxan illahay ka baryayaa in uu idinku soo guuleeyo aqoontaa aad u baxdeen. Dalka, diinta iyo waalidiintiina ha ilaawina ee maanka ku haya.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashadda Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sh Muxumed oo isagu kaxaynayey ardaydan ayaa isaguna halkaasi hadal ka soo jeediyey; waxa maanta noo farxad ah in aan ardaydii deeqda waxbarashadda ku guulaysatay maanta ka dhoofino garoonka caalamiga ah ee Cigaal, waxan maanta dhoofinaynaa 150 arday kuwaasi oo aan 75 ka mid ah anigu diyaarad la raacayo halka 75-kalena iga soo daba bixi doonaan oo aan ku sugi doono garoonka. Sidoo kale waxa berito soo bixi doona 150 –ka kale kuwaasi oo uu soo kaxayn doono agaasimaha tacliinta sare Mudane Maxamed Muuse Muruud. Waxan dhammaan ummada Somaliland maanta u sheegaynaa “sheeg-sheeg hadhane” in aan maanta ardaydii si sharaf leh u geynayno jaamacadihii ay ku kala qornaayeen.

Ugu danbayn Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Prof. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (faratoon) ayaa ardayda khudbad dhinacyo badan taabanaysa uga soo jeediyey halkaasi, waxaanu hogotusaalayn ka siiyey dalka ay tegayaan iyo dhaqankiisa iyo sida looga baahan yahay in ay uga gudbaan duruufaha soo wajaha, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu ku bilabay; nin hadlayaaba ha iska hadlee, maanta waxan illahay ugu mahadnaqaynaa in hawshaasi soo gebogabowday oo aad maanta ka dhoofaysaan garoonka diyaaradha ee Cigaal. Anagu wasaarad ahaan maanta waan gudanay waajibaadkayagii, maanta idinka ayey hawshu idinku hadhay, waxa la idinka filayaa in aad dedaal muujisaan oo aad ka baxdaan deeqdaa waxbarasho ee la ina siiyey. Waxa kale oo aan idinkula dardaarmayaa in aydaan beerdarayn dedaalkaa baaxada leh ee la idin geliyey. Waxa kale oo aan idiin soo jeedinayaa in aad dhaqanka iyo diinta ku fara-adaygtaan, dalka aad tegaysaan waa mid aan waxyaabo badan ku kala duwanahay sidaa darteed waxan idiin soo jeedinayaa in aydaan la yaab iyo wax ka fejiciya bulshadaa aad u tagteen la iman.

HALKAN HOOSE KA DAAWO: SAWIRO IYO VIDEO- KU SAABSAN MUNAASIBADAN:-


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here