Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo la kulmay Wefti Ka Socda Waddanka Masar

0
467

DSC_2527(MOE Media) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud Mudane Abiib Axmed Cali iyo Agaasimaha Tacliinta Sare Yuusuf Axmed Cali iyo la taliyaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Ambasadoor Axmed Shariif (indho-biraale) ayaa ku qaabilay xarunta Wasaaradda Waxbarashadda wefti ka socday Waddanka Masar. Weftigaa oo ka koobnaa Safiirka Masar u fadhiya Nairobi Ambasadoor Waliid Ismaaciil, Wakiil ka socday Wasaaradda Waxbarashadda Masar Mudane Haashim Alqasi iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Waddankaas.

DSC_2361Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey weftiga waxaanu uga mahadnaqay safarka ay ku yimaadeen Somaliland. Shirkan oo markii sawir guud laga qaaday saxaafadu dibada uga baxday ayaa Wasiirka Waxbarashaddu Saxaafadda uga xog waramay waxyaabihii ay ka wada hadleen weftiga waxaana hadalkiisii ka mid ahaa; Weftigan qiimaha leh ee maanta nagu soo booqday Xarunta Wasaaradda Waxbarashaddu waxay ka mid ahaayeen wefti balaadhan oo baryahanba dalka ku sugnaa kuwaas oo iskugu jira qaybo kala duwan oo kala ah xaga Ganacsiga, Waxbarashadda iyo Iskaashiga, Ka wasaarad ahaan waxan ka wada hadalay sidii ay dhinaca Waxbarashadda iyo deeqaha ay bixiyaan nooga caawiyaan, runtii arrimahaa is afgarad wanaagsan baanu ka gaadhnay weftiga, waxaanay noo balan qaadeen in ay wax badan nagala qaban doonaan insha Allah.

DSC_2551Waxa kale oo aan weftiga ka wada hadalay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal oo runtii lahaan jiray xidhiidh soo jireen ah oo taariikhi ah. Guud ahaan weftiga waxan ka gaadhnay is afgarad wanaagsan arrimihii aan ka wada hadalnay, dhawaana waxa ka soo bixi doona wax la taaban karo oo dalka iyo dadka ba wax tara.

 

 

DSC_2530

 

 

DSC_2535

 

 

 

By: Mowlid Kibaar

Email: cabqari1979@gmail.com

Tell: 00252-063-4412857, 065-9117772

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here