Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo Sii Segootiyey Arday Ka qayb-galaysa Dood Cilmiyeed Caalamiya

0
456

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa xafiiskiisa ku qaabilay arday u dhalatey Somaliland kuwaasi oo ka qayb-gali doona dood cilmiyeed caalamiya kaas oo lagu qabanayo waddanka Qadar, dood cilmiyeedkan oo ay inoo fidisay akadeemiyadda waxbarashadda ee waddanka Qadar kaas oo ay ku kulmaan Ardayda ka tirsan Waddamadda Jaamacadda Carabtu.

DSC_1676Waxa kulankaa faa’faahin ka bixiyey Agaasimaha Dugsiyadda Gaarka loo leeyahay ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Muuse Maxamed Shide, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; waxa maanta halkan aynu ku sii sagootiyeynaa arday reer Somaliland ah oo ka kala socda Dugsiyadda Blooming iyo dugsiga Young Muslim Academy kuwaas oo ka qayb-gali doona dood cilmiyeed lagu qaban doono waddanka qadar, ardaydani waxa ay ka kooban yihiin seddex wiil iyo hal gabadh, laba ardayba waxay matalayaan hal dugsi, waxa hogaamin doona dugsiga Blooming oo mulkiilihiisu yahay Marwo Saynab Cismaan Yuusuf iyo Maamulaha oo ah Mudane Cali Axmed Meygaag iyo dugsiga muslim Young Academy oo uu hogaamin doono Aadan Diiriye, waxa kale oo isaguna safarkan ku wehelin doona ardaydan Mudane Axmed Shariif oo ka socda Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, waxaanay soo mari-doonaan ardaydan iyo xubnaha hogaaminayaaba waddamo badan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta.

DSC_1903Saynab Cismaan Yuusuf mulkiilaha dugsiga Blooming ayaa iyaduna hadal kooban ka soo jeedisay kulankaa iyadoo sheegtay in aanay ahayn arrintani markii ugu horeysay ee ay arday ka tirsan dugsiga Blooming dood cilmiyeed kan oo kale ah ka qayb-galaan laakiin ay dhawr jeer oo hore ka qayb-galeen tartamo caalamiya.

 

DSC_1965Maamulaha dugsiga Young Muslim Academy ayaa isaguna u mahad naqay madaxda wasaaradda, waxa kale oo uu la dardaarmay sidoo kale ardayda ka qayb-galaysa tartankaa caalamiga ah.

 

 

DSC_1947Maamulaha Dugsiga Blooming ayaa isaguna ka warbixiyey taariikhda dood cilmiyeed kani soo bilaabmay iyo ujeedada ka danbaysa ee loo qabto waxaanu hadalkiisii ku bilaabay; hawshan sharafta badan ee uu wasiirka Waxbarashaddu ku sii sagootiyayo ardaydan reer Somaliland ee ka qayb-galaysa dood cilmiyeedkan caalamiga ah taas oo ay marti geliyaan Waddanka Qadar, waxa la qabtaa doodan labadii sannadood ba hal mar, waxa ka soo qayb-gala dawladaha ka tirsan Jaamacadda Carabta iyo Waddamadda kale ee xiiseeya Afka Carabiga,  waxay waddanka Qadar bilaabeen doodan sanadkii  2012-kii si loo nooleeyo luuqada carabiga iyo si looga soo saaro da’yarta hibada ku duugan ee uu illaahay siiyey ardayda ee ah in uu cabiri karo fikirkiisa isla markaana isagoo ixtiraamaya fikirka qofka kale oo dhegaysanaya. Markii ay bilaabantay dood cilmiyeedkani waxan bilawnay in aan la xidhiidhno Akadeemiyadda soo qaban-qaabisa si aan uga mid noqono waanay naga aqbaleen, kaalin mug leh na way ka soo hoy’yeen inkasta oo aanay ku guulaysan. Runtii Wasiirka Waxan u soo jeedinayaa in arrimahan oo kale la dhiiri-galiyo oo wasaaraddu dedaalkeeda ka geysato.

DSC_1994La taliyaha Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare mudane Axmed Shariif ayaa isaguna ka codsaday shacbi weynaha reer Somaliland in ay u soo duceeyaan in illaahay ku soo guuleeyo tartankan ay u baxayaan, waxaanu sheegay in ay bixi doonaan khamiista soo socota ee ay bishu tahay 7/4/2016-ka.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilahi Ibraahim Habane ayaa hadal dardaaran iyo dhiiri galin ah u soo jeediyey Dhalinyaradda ka qayb-galaysa Dood cilmiyeedkan DSC_2017Caalamiga ah, waxaanu Wasiirku u mahad naqay dugsiga Booming oo soo bilaabay dood cilmiyeedkan iyo dedaalka ay ka galeenba, waxa kale oo uu ardayda u soo jeediyey in ay dedaalaan oo ay sidii ardaydii dugsigii SOS oo kale guul dalka u soo hooyaan, waxaanu wasiirku ardaydaa ugu duceeyey in ay noqdaan kuwii illaahay guusha raaciyo.

DSC_2061DSC_2069DSC_1988DSC_2025DSC_1940

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here