Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Ayaa Soo Kormeeray Dhismaha Gabyanka Ee Lagu Badbaadinayo Dhismaha Dugsiga Qalax Ee Magaaladda Gabiley

0
523
????????????????????????????????????

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo wefti uu hogaaminayo ayaa kormeer ku soo maray dhismaha gabyanka lagu xidhayo dugsiga sare ee qalax, kaasi oo halis ugu jiray in daadku  qaado ka dib markii uu dooxu soo qar-dumey. Waxa wax ka qabashadda arrintaasi u guntaday urur wadaniya oo ka hawl-gala gobolka gabiley kaasi oo ay ku bahoobeen muwaadiniin isku xilqaamay in ay danaha ummadda ka shaqeeyaan kaasi oo lagu magacaabo Samakaal. Wasiirka waxa kormeerkiisaasi ku wehelinayey gudoomiyaha imtixaanaadka qaranka Mudane Daa’uud Axmed Faarax, xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee gabiley Mudane Cabdiraxmaan Nuur Abokor, Gudoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Gabiley Mudane Cabdisamed, Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka gebiley iyo saraakiil ka tirsan masuuliyiinta waxbarashadda ee gobolka gabiley.

Wasiirka waxa goobtaasi ku soo dhaweeyey Kayse Xaaji Muuse iyo Cali Nuur Aw Cumar oo ka tirsan masuuliyiinta ururka waddaniga ah ee u tafa-xaytay wax ka qabashadda danaha guud ee gobolka gabiley kuwaasi oo gacanta ku haya dhismahan gabyankan lagu badbaadinayo dugsiga sare ee qalax. Wasiirka iyo weftigiisu waxa ay ku soo wareegeen dhismaha gabyanka oo ay Ururka Samakaal wax ka qabashadiisa gacanta ku hayaan, kaasi oo maraya marxalad weli aan dhammaan kaasi oo u baahan in la galiyo dedaal dheeraad ah iyo dhaqaale intaa ka roon.
Ka dib markii ay soo wada eegeen weftigu dhismaha waxay warbaahinta kula hadleen dooxa dhexdiisa halkaasi oo uu ka socdo dhismaha gabyanku, waxana ugu horeyn wasiirka uga warbixiyey xaaladda guud ee dhismahan iyo inta u dhiman weli Mudane Cali Nuur Aw Cumar waxanu hadalkiisa ku bilaabay; Mudane Wasiir Waxa noo farxad ah in aad nagu soo booqato dugsiga sare ee qalax kaasi oo ay wakhti-xaadirkan ka socoto hawlo baaxad leh oo lagu samato-bixinayo dugsiga kaasi oo ku sigtay in uu dooxu qaado oo uu meeshaba ka baxo. Waxanu abaabulnay bulshadda qaybaheeda kala duwan gudo iyo dibadba si loo badbaadiyo dugsiga oo ah mid taariikhi ah oo ay wax ku soo barteen dad badan oo reer gabiley iyo guud ahaan dalkaba joogaa. Waxa noo suurto gashay in aanu soo helno dhaqaale kooban oo runtii noo noqday bar bilaw aanu ku hakino daadkii xawliga lahaa ee soo qarduminayey dhulkan uu ku yaalo dugsigu.

Waxa isaguna wasiirka uga warbixiyey dhanka dhaqaalaha iyo weli waxa u hadhsan ee uu u
baahan yahay Mudane Kayse Xaaji Muuse oo ah Agaasimaha Ururka Waddaniga ah ee samakaal waxaanu hadalkiisa ku bilabay; mudane wasiir waxa illaahay mahadii ah in dhaqaalihii aanu soo helnay oo ahaa $40,000 kun oo doolar aanu ku dhisnay gabyankan aad arkaysaan kaasi oo hakiyey xawligii uu ku socday dhulku. Dhawaan waxa soo maray dooxa daad xoog leh laakiin wax dhib ah muu gaadhsiin dhulkii oo wuu badbaadiyey dugsigii, welise wax ka qabashadiisii badideeda way hadhsan tahay waxanan wasaaradda iyo cidii kale ee wax nala qaban kartaba ugu baaqaynaa in ay gacantooda ka geystaan si aanu dugsiga daadku u qaadin oo aanu ugu bixin saaxadda waxbarasho.

Ugu danbayn Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa goobtaasi ka hadlay waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey muwaadiniinta is xilqaamay iyo guud ahaan bulshadda gabiley kuwaasi oo muujiyey arrin waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; waxan u mahadnaqayaa muwaadiniinta ururka Taakulo, waxaanay muujiyeen arrin bogaadin mudan taasi oo ay kaga shaqeeyeen danaha caamka ah ee bulshadda sidaa darteed waxan leeyahay illaahay ha idinka abaal mariyo wanaagaa aad samayseen, bulshaduna abaalkaa way idiin haysaa taariikhda ayaana idin xusi doonta mustaqbalka.

Dhanka kale wasaarad ahaan waxba hagran mayno meel itaal na dhigaba, waayo waa masuuliyadayadii iyo wixii la noo igmaday, waana nagu waajib in gacan ka geysano. Wasaarad ahaan waan isku noqonaynaa waxanan idin soo gaadhsiin doonaa mudo aan fogeyn qadar lacageed oo u dhexeeya $15000 kun oo doolar ilaa $2000 kun oo doolar. Insha allah waxan ku rejo weynahay in aan sida ugu dhakhsaha badan idiin soo gaadhsiino si aad ugu dhistaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADDA


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here