Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Oo Dhagax-dhigay Dugsi Loogu Magac-daray Sheekh Axmed Nuux Fureh

0
337

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Oo Dhagax-dhigay Dugsi Loogu Magac-daray Sheekh Axmed Nuux Fureh

dsc_6429Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ayaa dhagax-dhigay dugsi loogu magac daray Sheekh Axmed Nuux Fureh kaas oo laga dhis doono xaafadda 31 Meey ee magaaladda hargaysa. Dugsigan oo noqon doona mid sare ayaa si dhakhso ah loo bilaabi doonaa dhismihiisa. Sheekh Axmed Nuux Fureh ayaa ka mid ahaa odayaashii guurtidda ee dhidibada u aasay qaranimadda Somaliland isla markaana ahaa intii aanu dhimman sanado ka hor gudoomiyihii kowaad ee golaha guurtida Somaliland.

dsc_6426Munaasibadan dhagax dhiga dugsigan ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane, siyaasiyiin, cuqaal iyo qaar ka mid ah dadweynaha degan xaafadda 31 Meey oo ah xaafada loo dhisi doono dugsigan.

 

dsc_6455Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda ayaa ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay waxaanu sheegay; waxa ii sharaf ah in aan dhagax-dhigo dugsigan aan ugu magac-darnay Sheekh Axmed Nuux Fureh Wuuna mudan yahay in loo bixiyo dugsi iyo wax kale oo ka weyn ba waayo waxa uu ka mid ahaa odayaashii hal doorka ahaa ee ka soo qayb-qaatay dhismaha qaranimadda Somaliland waxaanu rug cadaa wax badan ka mid ahaa shir gudoonka golaha guurtida Somaliland.

dsc_6433Dugsigan si dhakhso ah ayaa loo bilaabi doonaa dhismihiisa waxanan ku dadaali doonaa in uu dhakso u furmo marka la dhameeyo. Waxan bulshadda degan xaafadda 31 meey in ay ka qayb-qaataan horumarinta waxbarashadda iyo ilaalinta danaha dugsigan sababta oo ah wasaaradda oo kaliya kama wada shaqayn karto danaha waxbarashadda haddaan bulshaddu gacansiin. Marka bulshaddu wax wada qabsato ayaa la gaadhi karaa horumar waara oo dhan walba leh sidaa darteed waxad ogaataan in aad danaha guud iskugu duubnaataan.

dsc_6430dsc_6419

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here