Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Oo Xogwaran Kooban Ka Bixiyey Taabogalinta Manhajka Cusub Ee Somaliland

0
430

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Oo Xogwaran Kooban Ka Bixiyey Taabogalinta Manhajka Cusub Ee Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare mudane Cabdilaahi Ibraahaam Habane ayaa xog-waran kooban ka bixiyey sidii loo taabogalin lahaa manhajka cusub ee dhawaan loo soo daabacay dugsiyadda Somaliland, waxaanu sheegay in xaflad weyn loo samayn doono taasi oo lagu soo bandhigi doono buugaata cusub ee la soo daabacay.

DSC_0886Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane isaga oo ka waramaya waxa hadaladiisii ka mid ahaa; manhajku hore ayuu u jiray laakiin dib u eegis ayuun baa lagu sameeyey, hadda buugaagtii waa la soo daabacay waanay wadda yimaadeen waxa dhiman oo kaliya buuga taariikhda ee dugsiyadda sare, kaasi oo isaguna dhawaan dalka soo gaadhi doona. Dugsiyadda gaarka ah iyo kuwa dawliga ahba waxa lagu dhigi doonaa manhajka Somaliland, daraasad la sameeyey waxa la ogaaday in ilmuhu afkiisa wax ku fahmi karo ee aanu ku fahmi Karin af aanu u dhallan, sidaa awgeed waxan amray dugsiyadda gaarka ah in fasaladda kowaad ee dugsiyadda hoose lagu bilaabo manhajkan cusub, cidii fulin weyda amaradda wasaaradda waxan kala noqon doonaa ruqsada shaqada.

DSC_0871In manhajkan la raaco waa siyaasadda waxbarasho ee qaranka jamhuuriyadda Somaliland gudoonsaday in la raaco, dib u dhicimayso in warbaahinteena laga xayeysiiyo manhajyo dalal shisheeye. Waxan xoojin doonaa waaxda kormeerka si aan u joogtayno ka war-haynta waayaha waxbarasho ee ka jira goobaha waxbarasho ee dalkeena. Waxan rajaynayaa in kutubtaa la soo daabacay ay noqdaan kuwa anfaca ardaydeena. Sanad walba manhajku waxa uu ku jiridoonaa isbadal joogto ah, marka lagu hawl-galo ayaa la ogaan doonaa wixii dhaliilo uu leeyahay iyo waxa loo baahan yahay in lagu kordhiyo. Waxbarashaddu soconmayso haddaan waalidiinta iyo dawladuba iska kaashan, sidaa awgeed waxan waalidiinta u soo jeedinayaa in danaha waxbarashadda qaybtooda

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here