Wefti Balaadhan Oo Uu Hor Kacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda & Sayniska Kormeer Shaqo Ku Soo Maray Gobolada Saraar Iyo Sool

0
52

Wasiirka wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey ayaa kormeer xogogaal u noqosho ah iyo mashaariic laga hirgelinayo goboladaasi ku soo maray gobolada Saraar iyo Sool. Wasiirka waxa sidoo kale safarkiisaasi ku wehelinayey Wasiirka xidhiidhka golayaasha, dastuurka iyo tignoolajiyadda Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, madax ka socotay hay’adda UNICEF, Save Children, ADRA, Care International, HAVAYOCO, Islamic Relief iyo   Hay’adda “African relief committee of Kuwait”  ee laga leeyahay dalka Kuwait, ahna Hay’adda Khayriga  ee maamusha Dugsiyada Al-Kuwaiti Schools ee carruurta agoonta ah. Weftiga waxa goboladaasi ku soo dhaweeyey madaxda goboladaasi, waxaanay xog-waran ka siiyeen xaalada goboladaasi mid ammni iyo duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada goboladaasi.

Ujeedada socdaalkan ayaa daaranayd xogogaal u noqoshadda bulshada barakacayaasha ah ee ay abaarihii dalka soo maray riiqda iyo diifta kaga tagtay kuwaasi oo ku nool guryo cooshado ah oo ku yaala deegaanada caynaba, oog. Yogoori iyo deegaano kale oo u dhow magaalooyinkaasi. Weftiga ayaa u kuurgalay xaalada dhaqan dhaqaale iyo duruufaha dhabta ah ee ay ku noolyihiin bulshadaa ay ka baxeen xoolohoodii ay manaafacaadsanayeen, waxaanay bulshada deegaankaasi iyo masuuliyiinta goboladaasiba kala hadleen qorshe ay xukuumada iyo hay’adaha caalamiga ahi ka wada shaqaynayaan kaasi oo wax lagaga qabanayo duruufaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada abaaruhu diifta kaga tageen, qorshayaashaa oo iskugu jira kuwo; dhaqaale loogu abuurayo, kuwo waxbarasho iyo kuwo caafimaad.

Sidoo kale weftigu waxay sahamin ku sameeyeen mashruuc balaadhan oo laga hirgalinayo gobolka sool gaar ahaan magaalada laascaanood, kaasi oo ay hay’ada caawimooyinka geeska afrika ee Kuwait ka yagleelayso duleedka magaaladaasi. Mashruucan oo uu ah dhismaha dugsiga agoomaha ee Dugsiga Kuwait laantiisa laascaanood, waxaaxayn weftigu kala hadleen masuuliyiinta gobolkaasi dhul laga dhiso dugsigaasi iyo beer uu yeelanayo dugsigaasi. Gudoomiyaha golaha deegaanka magaalada laascaanood iyo badhasaabka gobolkaasi ayaa waxay weftiga geeyeen dhul dan guud ah kaasi oo laga dhisi doono dugsi balaadhan ay geli doonaan ardayda agoonta ahi.

Weftiga ayaa warbixin kooban ku siiyey saxaafadda ujeedada safarkooda iyo mashaariicda ay ka hirgalinayaan gobolka sool iyo hawlaha samatabixinta dadka tabaalaysan ee ay raadka xun kaga tagtay abaartii ba’anayd ee soo martay dalka. Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyha gobolka

Sool Mudane Cabdi Khayre Dirirr, waxaanu xog-waran ka siiyey madaxda xaalada guud ee gobolka iyo xaalada nabadgalyada ee deegaanada gobolkaasi ka kooban yahay. Waxaanu ku dheeraaday kaalinta ammniga gobolku ku yeelatay horumarka bulshadda. Dhanka kale waxa uu gudoomiyuhu sheegay in ay jiraan culas badan oo gobolka saaran kaas oo ah dadka barakacayaasha ah ee magaalooyinka hareerahooda degan kuwaasi oo aan helin gacan caawimo oo wax ka bedesha nolosha dadweynahaasi.

Wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo dastuurka ayaa ugu isaguna hadal kooban oo uu ka jeediyey halkaasi uga mahadnaqay madaxda iyo bulshada gobolka sool sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, sidoo kale waxa wasiirku bulshada reer laascaanood u soo jeediyey in ay nabadgalyada dhankooda ka shaqeeyaan taasi oo u horseedi karta horumar waara oo dhan walba leh, sidoo kale waxa uu wasiirku kula dardaarmay bulshada reer laascaanood in ay soo dhaweeyaan dugsiga agoomaha ee Kuwait oo laga dhisi doono laascaanood, kaasi oo ku soo kordhin doona bulshada waxtar dhan walba leh.

Wasiirka wasaaraada waxbarashadda mudane yaasiin xaaji maxamuud xiir faratoon ayaa ugu danbayntii halkaa ka hadlay waxaanu sheegay in ay weftigoodu u wadaan bulshad gobolada saraar iyo sool mashaariic badan oo dhanka badbaadada bulshada iyo mashaariic horumarineed oo dhanka waxbarashadda ah.

Deegaanada dadka barkacayaasha ahi ku sugan yihiin waxan u wadnay lix hay’adood iskugu jira kuwa UN-ka, kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ba, sidoo kale waxa iyana caawimooyinkaa barbar socon doona gacan caawimo oo ay xukuumadu ku biirin doonto kuwaa caalamiga ah. Dhanka kale waxan wadnaa mashruuc balaadhan oo lagu hirgalin doono dugsiga agoomaha ah ee Kuwait, waxaanu dugsigani ku soo kordhin doonaa saaxada waxbarashadda gobolka horumar balaadhan oo dhanka waxbarashadda iyo dhanka dhaqaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here