WEFTI UU HOGAAMINAYO AGAASIMAHA GUUD EE W/W&S OO KORMEER XOGOGAAL U NOQOSHO AH KU SOO MARAY DUGSIYADA GOBOLADA SELEL IYO AWDAL

0
86

Wefti uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska prof maxamed faarax xareed ayaa kormeer xogogaal u noqosha ah ku soo maray degmooyinka garbo dadar, geerisa iyo lughaya, kuwaasi oo ka tirsan gobolada awdal iyo selel. Agaasimaha waxa kormeerkiisaasi ku wehelinayey; Agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee wasaarada waxbarashada xuseen daahir rooble, agaasimaha waaxda hantida ma guurtada ah ee wasaaradaasi Axmed-keyse Maxamuud Cartan iyo gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka awdal Jeeke Maxamuud Ciye.


Munaasibad lagu qabtay dugsiga hoose dhexe ee degmada lug-haye ee gobolka selel ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka awdal mudane jeeke maxamuud ciye, waxaanu bulshada deegaanadaasi uga mahadnaqay sida ay u soo dhaweeyeen, waxaanu ka waramay xaalada waxbarasho iyo sida loogu baahan yahay in dhan looga soo wada jeesto si wax looga qabto baahiyaha jira.


Agaasimaha guud ee wasaarada waxabarashada iyo sayniska prof maxamed faarax xareed ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxaanu sheegay in wasaarad ahaan aanay waxba ka hagran doonin, kormeerkana uu ka mid yahay dedaalada wasaarada waxbarashadu ku xoojinayso tayada iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha jira. 


Waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada ee lug haya iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo wax garadka degmadaasi waxaanay weftiga uga mahadnaqeen booqashada ay ugu iyamaadeen madaxda wasaarada waxbarashadu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here