WEFTI UU HOGAAMINAYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA WAXBARASHADDA OO KORMEER KU SOO MARAY DUGSIYADA MAGAALADA SEYLAC

0
232

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Prof Maxamed Faarax Xareed iyo wefti uu hogaaminayo ayaa kormeer ku soo maray dugsiga sare ee magaalada seylac iyo dugsiga hoose ee magaaladaasi, waxaanu agaasimuhu u kuur galay baahiyaha kala duwan ee dugsigaasi ka jira iyo hubinta tayada dhismaha fasalo cusub oo lagu soo kordhiyey dugsiga hoose dhexe ee degmada seylac. Agaasimuhu waxa uu kulamo la yeeshay madaxda waxbarashada ee gobolka selel iyo qaar ka mid ah xildhibaanada degmada seylac ee gobolka selel.

Ugu horeyn munaasibadaasi lagu qabtay dugsiga hoose dhexe ee seylac waxa ka hadlay Xildhibaan Aadan Cabdilaahi Boodhle oo ka tirsan xildhibaanada magaalada seylac, waxaanu ka waramay xaaladaha waxbarasho ee ka jira degmadiisa, waxaanu xildhibaanku uga mahadnaqay agaasimaha iyo weftigiisa booqashadan xogogaal u noqoshada ah ee ay ku soo mareen guud ahaan gobolka selal, waxaanu xusay in ay dhankooda diyaar u yihiin wax ka qabashada waxbarashada deegaanadooda.

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Duqa magaalada seylac Sacad Daahir Cige waxaanu sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashadan ay ugu yimaadeen madaxda wasaarada waxbarashadu. Dhanka kale maayarku waxa uu tilmaamay dhibaatooyinka caqabadaha gaarka u ah guud ahaan goobaha waxbarashada ee ku yaala meelaha xeebaha, waxaanu ugu baaqay wasaarada waxbarashada in ay il gaar ah ku eegaan deegaanadaasi oo ay degmadiisuna ka mid tahay, sidoo kale waxa uu xusay in dugsiga hoose dhexe ee degmada seylac u baahan yahay dayactir lagu sameeyo guud ahaan fasaladiisa iyo kuraasta ay ardaydu ku fadhiistaan, waxaanu balanqaaday ka maamul ahaan in dhankooda ay sii xoojin doonaan wax ka qabashada arrimaha waxbarashadda.
Gudoomiyaha waxbarashadda gobolka Awdal Mudane Jeeke Maxamuud Ciye ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu sheegay in degmada seylac tahay degmooyinka hormoodka ah ee wax badan ka qabtay hawlaha waxbarashada, waxaanu uga mahadnaqay masuuliyiinta golaha deegaanka xilkasnimada iyo kartida ay muujiyeen ee ay wax kaga qabteen dhanka waxbarashada.
Ugu danbayn agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashadda iyo sayniska Prof Maxamed Faarax Xareed ayaa munaasibadaasi soo gunaanaday, waxaanu ka hadlay ujeedada kormeerkan iyo arrimo kale waxana hadaladiisii ka mid ahaa; ugu horeyn aad baan idiinka mahadnaqayaa soo dhaweyntiina iyo sida milgaha iyo sharafta leh ee aad noo soo dhaweyseen.

Ujeedada kormeerkayagu waxay daaran tahay xogogaal u noqoshada xaaladaha waxbarasho ee ka jira deegaanada xeebaha ah iyo sidii aan u soo hubin lahayn dhismayaal kala duwan oo hay’ada UNICEF ka hirgalisey dhismahooda. Runtii waan idiinka mahadnaqayaa warbixintan aad naga siiseen duruufaha waxbarasho ee degmada seylac, ka wasaarad ahaana waxan si xilkasnimo leh uga jawaabi doonaa codsiyadiina ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa dayaca haysta dugsiga hoose dhexe ee seylac.

Dhanka kale waxan bulshada gobolka selal iyo gaar ahaan seylacba ugu baaqayaa in ay u diyaargaroobaan sidii ay waxbarashada wax noogala qaban lahaayeen, waayo wasaarada oo kali ahi waxba kama wada qaban karto haddaanaan garab ka helin bulshada ku dhaqan deegaanadan. Dhanka kale agaasimaha iyo weftigiisu waxay kormeer ku soo mareen dugsiyada hoose dhexe ee tuulada caasha cado iyo cabdulqaadir, waxaanay u kuur galeen tayada dhismayaasha laga hirgaliyey deeganadaasi iyo xaaladaha kale ee ku xeeran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here